Oday Qaybe Iyo Xusuustiisa Halgankii Madowga Maraykan U Soo Maray Madaxtinimada USA

0
651

qyabeDalka Marykanka ka hor badhtamahii lixdanaadkii waxaa  ka jiray  siiba gobolada koonfureed midab takoor fool xun oo dadka cadaanka ahi dadka madow ku samayn jireen. Kilaabta ayay ku diri jireen, gaadiidkana kuraas kala qaybsan ayay fadhiisan jireen, bal iskaba daa xaafado ay wada degaan iyo dugsiyo ay caruurtoodu wax ku wada bartaane'.

Sanadkii 1966-kii  qoraa Maraykan ah oo caan ahaa magaciisuna ahaa Trueman Capote ayaa qoray buug khiyaali ah (fiction) Buugaas oo uu u bixiyey "The Man" waxuuna ku saabsanaa nin Afro-American ah oo Madaxweynaha Maraykanka si lama filaan ah u noqday iyo dhibaatooyinka uu kala kulmay dadkii cadaanka ahaa. Sida Dastuurka Dawlada Maraykanka ku qoran madaxdu sida ay u kala mudan yahiin waa Madaxweynaha, Madaxweyne ku Xigeenka, Xoghayaha Arimaha Dibada iyo  Gudoomiyanimada Maxkamada Sare oo xiligaa Capote buuga qoray  ninka madow hayey  ee uu qoraagu ugu magac daray "The Man". oo madaxweyne Maraykan  noqday markay saddexdii nin ee ka mudnaa muddo yar dhexdeed geeriyoodeen. si kastaba ha u geeriyoodeene.

Isla sannadkaa Xukuumadii President Leyndon Johnson ayaa soo saartay sharci xaaraantimeeyey midabtakoorka iyo ciqaabta cidda jebisa ay mudan doonto, (civil rights legislation).
Ka bacdi Haweeynadii Shirley Chissolm oo ahayd Ameerikaanka madow ayaa  doorashadii Madaxweynanimada Maraykanka ee 1972 isu sharaxday tartanka xisbiga Dimuqraadigu ku soo saarayey  qofka ugu tartamaya doorashada Madaxweynanimo, hase yeeshee way ku hungoowday.

Baaderigii Jesse Jackson oo isna Maraykanka madow ah ayaa ka qayb galay tartankii Xisbiga Dimuqraadigu ugu jiray inay soo saaraan musharaxa xisbiga isugu taagayey doorashooyinkii Madaxweynanimo ee sanadihii 1984 iyo 1988, laakiin labadii jeer midna ma soo bixin

Bishii Novembar 2008, ayaa Brack Obama xisbiga Dimuqraadigu u sharaxay Doorashadii Madaxweynanimo wuuna ku guulaystay. Sanadkan 2012 ee Madaxweynanimada Maraykanka waxa la saadaalinayaa inuu ku guulaysan doono. Waxaa halkaas ka muuqata in shacabka Maraykan caddaan iyo madow ay u bislaadeen sinaan iyo cadaalad oo riyadii Baaderigii Martin Luther King Jr ee xuquuqda dadka madaow ee Maraykan  u halgami jiray ay rumowday, taasoo markuu shacabka u khudbadaynayo hal ku dhegeedu ahaa waan  riyoonayaa ama " I have a dream" wax badana halgankiisa wuu ku  guulaystay.

Sanadkii 1966-kii markaan safaaradii Somaliya ee  Washington la wareegay Safiirkii iga horreeyey waxuu ii sheegay in daartii Safaaraddu deganayd hoosteeda timo xiir meherad ku haystay oo uu damcay inuu ka xiirto ku yidhi ( madaxaagoo kale ma xiiro ee waan gooyaa). Wasaaradii Arimaha Dibada ayuu ka ashkateeyey oo sarkaal madow u soo dirtay. Hadalkuu Safiirka ku yidhi ayuu sarkaalkii madoobaana ku yidhi. Dabadeedna laysankii meheradiisa ayaa lix bilood laga joojiyey. Xiliyadii dambe ee anigu Safiirka ka ahaa Washington DC markaan liftka Safaarada korayo ama ka soo degayo waxuu igi odhan jiray Sir, ma kuu xiiraa.