Akhristayaal, sidii uu Wargeyska Geeska Afrika, balan qaaday cadadkiisii u dambeeyay, waxaanu laga bilaabo maanta idiin soo gudbinaynaa xog-waran aanu la yeelanay Md. Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo ah diblomaasi iyo siyaasi ruug cadaa ah islamarkaana ay maskaxdiisa ku duuganyihiin taariikho iyo xogo badan oo uu goob joog u ahaa. Oday Qaybe, wuxuu ka warami doonaa xorriyadii Somaliland ee Ingiriisku siiyay 1960, midowgii Somaliya, dhibaatadii ka dambaysay dagaaladii Siyaad Barre iyo SNM iyo qisooyin kale oo xiiso badan. Xog-warankan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa sannad guurada 52aad ee ka soo wareegtay wakhtigii uu Ingiriisku Somaliland siiyay xorriyada ee 26 June, 1960, oo ay maalmo koobani inaga xigaan.
Ugu horayn isagoo Md. Qaybe, ka hadlaya sababta keentay midowgii Somaliland iyo Somaliya, wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “Markii hore intaan laga fakarin xoriyad ayaa Hawdkaas uu Ingiriiskii siiyay Itoobiya, waftibaa loo diray Maykal Maryamo uu wato oo Salaadiina ay ku jirto, Ingiriiskiibaana loo tagay oo lagu yidhi dhulkayagii maxaad u baxiseen arinkaas waa uu ka shaleeyay, laakiin waxa uu yidhi heshiis aanu Itoobiya la yeelanay 1897 ayaa jiray, waxa jiray heshiisyo ka horeeyay o qabaa’ilka Somaliland Ingiriisku la galay 1884- 1886 inuu Ximaayad siiyo, markaas doodbaa ka dhacday golaha baarlamaanka Ingiriiska markii ay waftigu u tageen, waxa laysku qabsaday aynu gayno maxkamada oo labadaas heshiis ka sax ah, markaas waxay yidhaahdeen tooda ayaa sax ah waayo tooda laba dawladood ayaa wada galay, maryo dhiig leh ayaa la kala furtay, dawladii markaas joogtay ee Ingiriisku waxay tidhi xataa waan ku daynay boqorka Itoobiya inuu dhulkaas naga iibiyo, xataa waxaanu ku daynay inaanu Saylac siino oo uu deked ka dhigto, waxaas oo dhan waanu ka daalnay oo waxaan qaban karnaa ma jirto ayay tidhi dawlada Ingiriisku wakhtigaas.
Markii la soo noqday ayaa halkan laysugu yimi oo waxa la yidhi, waar intan (Somaliland) inoo hadhayna intaanu siin Xabashi ( Ingiriisku ) aynu Somali is raacno oo aynu ka hoos galno, halkaas ayaa ay arintu ka bilaabmatay arintu dadkiina waa ay kaceen, halkan laba xisbi ayaa jiray NUF iyo SNL,USP oo iyagu is raacsanaa, waxa la galay doorasho SNL iyo USP waxay heleen 32 kursi, NUF-na kursi keliyaata ayaa ay heshay, sababtuna waxay ahayd in ay doonayeen istiqlaal dagdag ah iyo in Xamar laysku darsamo, markii ay adkaadeena sideed mudane oo Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Hogaaminayo ayay u direen Xamar bishii 4-aad 1960, waxaana lagu soo heshiiyay dawlad kaliyaata iyo caasimad kaliya, xataa fadaraal inoomay soo qaadin, 30-4-1960 ayay soo noqdeen Cigaal iyo saddexdiisii wasiir Axmed kayse,Cali Garaad iyo Xaaji Ibraahin Cumar.
Ingiriiskiina waxa loola tagay xoriyad iyo in aynu Somaliya raacno, Ingiriiskiina waa uu ogalaaday raysal wasaarahii markaas joogay Ingiriiska, raysal wasaarihii markaas waxa uu yidhi anaga Somaliland waxay naga codsatay inaan xoriyad siino, waanan ogalaanay, hadday Somaliya raacayaana waxba kama qabno, laakiin Somaliweyn anagu dhiiri galinmayno, anigu markaas waxaan joogay London oo baarlamaanka Igiriiska ayaan xeer hoosaadkiisa ku baranaayay, waayo halkan ayaan ka hahaa xoghayaha guud ee baarlamaanka.
5-tii May ayaa lagu dhawaaqay 26-ka Juun ay xoriyada qaadanayso, markii aanu soo noqonay waxaan u raacay xoghaye ahaan oo waxaan u tagnay boqorkii Xaylesalaase ee Itoobiya markaas xukumayay, waxaanan ahayn Cigaal saddexdiisii wasiir iyo aniga oo xoghayn u ah, waanu doodnay, waxaanan anagu ku nidhi haddii isticmaarkii cadaa naga tagay adiguna dhulkayagii noo soo celi, isaguna waxa uu yidhi waar qoomiyad Itoobiyaan ah ayaad tahiine, idinka marka hore aan is raacno dabadeedna Banaadir aynu doono, waxaanu ka hadlay niman somali ah oo Xaaji Faarax, Cumar Samatar, Ina Cabdale Xasan oo uu leeyahay nimankaasu halyeeyo Itoobiyaan ah ayay ahaayeen, adigu is afgaran waynay oo waanu iskaga soo noqonay.
haddana 6 Juun ayaan tagnay Xamar, markaanu tagaynayna SNL iyo USP waxa nala sii faray wax shuruuda oo aad ku xidhaan ma jiri karto, siday doonaan haw saxeexaan israaca iyagu, haddii Israa’il la casuumo laakiin kasoo noqda, bal eega Dan Falastiin ayaaynu ka shaqaynaynaa teeniina waynu ilawnay.
Sidii ay iyagu wax u qoreen ayaanu ku soo saxeexnay, baarlamaankeena halkan ayaa 28 Juun keenay Cabdilaahi Ciise iyo dawladii aanu halkaas ugu tagnay ay leeyahiin qodobo ayayn isku khilaafsanahaye iska qaata xoriyadiina, anaguna 1 Julay ayaan qaadanaynaa kadib aynu gudi labada dhinac ah u saarno, si ay khilaafka u dhameeyaan, markaas waxa halkaas ka muuqatay in aanay iyagu doonayn is raaca, laakiin shacbiga konfur shacbigeena oo kale ayuu ahaa.
Magaaladda oo dhan ayaa nagu soo jabtay markaas oo tidhi hadaydaan gudbin sharcigaas is raaca dhagaxbaan idinku dilaynaa, waa laysku yimid waxaanan qornay is raacii waanu gudbinay, saadambana waanu idiin imanaynaa, marka aynu is raacnana qodabadaas aad sheegaysaan gudi baarlamaanka ah ayaynu u saaraynaa, sidii baana laysku raacay, mushkiladuna sidaas ayay ahayd, oo dadku waxay ka cadhoodeen bixinta dhulkan Somalida Itoobiya.
Wadada maanta lagu saxi karo khaladkabarigaas dhacay waxa weeye inaga oo wada hadalna iyaga ( Somaliya ), markaan xagaas tagnayna waa layna xumeeyay oo dawladii la dhisay wasiiradii waawaynaana iyaga ayaa qaatay oo anagu naga oo raysalwasaare u wadna Ina Cigaal, ayaa waxii oo dhan nalaga qaatay, markaas ayaa haddana halkan laga kacay oo laga xumaaday wixii dhacay….La Soco