Masuliyiin Reer Somaliland Ah Oo Aqoon Korodhsi U Tagaya Masar

0
457

Hargeysa(Geeska)-Wefti ka kooban laamaha kala duwan ee dawladda Somaliland ayaa la filayaa inay maanta u socdaalaan dalka Masar oo ay u tagayaan safar laba toddobaad ah.

Weftigan oo isugu jira xubno ka tirsan wakiilada, wasaaradda arrimaha dibadda, madaxtooyada iyo qaar ka mid ah la taliyayaasha madaxweynaha, ayaa waxa la sheegay in ujeedada safarkoodu la xidhiidho aqoon korodhsi socon doona  laba toddobaad, waxaana la soo bari doonaan maamul wanaagga iyo hab maamuuska. Weftigan ayaa la sheegay inay dalkaas ku tagayaan martiqaad rasmi ah oo ay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar u soo dirtay Somaliland.

Deeqda tababar ee ay masuuliyiintani ku tagayaan Masar lama oga in ay tahay mid si gaar ah loogu fidiyey Somaliland oo muddooyinkii u dambeeyey ay yimaaddeen waftiyo kala duwan oo ka socda dalkaas, waxa se uu uu yimi xilli laba toddobaad ka hor wasiirka arrimaha dibadda ee Masar shirkii Soomaalida ee Istanbul ka hor sheegay in dalkiisa Soomaaliada oo uu ku tilmaamay dad ay isku luuqad iyo diin yihiin la garab taagan yahay taageero dhinacyo badan.

Wasiir Camar waxa uu hadalkiisaa ku sheegay in Soomaaliya ay u fidiyaa deeqo waxbarasho oo sannad kasta ay ku qaadaan 180 arday oo Soomaali ah iyo tababarro dhinaca maamul wanaagga, garsoorka iyo shaqaalaha adeegga bulshada ah.