Shirkadda Somtel Oo Casho Sharaf Ku Maamuustay Saraakiil Ka Socotay Darlington Foundation

0
624

 

somtelHargeysa(Geeska)-Shirkadda isgaadhsiinta Somtel ayaa casho sharaf u samaysay saraakiil sare oo kamid ah Haa’yada Darlington foundation oo ka shaqaysa taakulaynta Arrimaha waxbarashada gaar ahaan qaar ka mid ah dhallinyarada hesha dhibcaha ugu sarreeya marka ay dhammaystaan waxbarashada dugsiyada dhexe iyo sare balse ay dhici karto in ay u baydhaan shaqo raadin si ay isu debberaan sidaasna ay kaga hadhaan waxbarashada.

Munaasibadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay Hotel-ka Ambassador ee magaalada Hargeysa, Halkaas oo ay ka soo qaybgalayn, maareeyaha shirkadda Somtel Cawil Saalax Cabdi, Madaxa Iibka iyo Suuqgeynta Iid Muuse Muxumed, Naasir Cumer Cilmi Madaxa Warbaahinta shirkadda SOMTEL iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamulka iyo shaqaalaha shrikadda iyo saraakiisha hay’adda Darlington foundation.Waxa kale oo xafladaas ka soo qeybgalay qaar kamida ardayda dhigata Jaamacadaha Somaliland ee ay kharashaadkooda waxbarashad ay bixiso hay’addu Darlington foundation kuwaasi oo iskaga kalayimid magaalooyinka Hargeysa iyo Burco iyo Baligubadleh.. Professor Iid Cali Salaan waxaanu ka warrmaya ujeedada booqashada waftigooda Darlinton ku yimideen Hargeysa.

Professor Iid Cali Salaan oo hadal kooban ka soo jeediyay Munaasibadda ayaa ka sheekeeyey taariikhdii Haa’yadda aqoonyahan Iid Cali Salaan isagoo ka hadlaya sida ay ku timi Haa;yadani ayaa sheegay Mr Darlington oo ahaa ninka loogu magacdaray hay’addani uu ahaa macalimiintii dalka UK ee wax ka dhigijiray Schoolka Sheekh xiligii uu Ingiriisku joogay Somaliland. Professor Iid waxa kale oo sheegay inuu kamid ahaa ardaydii uu Mr Darlington macalinka u ahaa ee uu wax soo baray “anigu waxaan kamid ahaa rdaydii uu wax soo baray Mr Darlington ee ka baxday School-ka Sheekh” ayuu yidhi Professor Iid Salaan.Professor Iid waxa uu intaa ku daray ardaydii uu macalinka u ahaa aas aasihii foundation-ka Darlington inuu kamid ahaaMadaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo aanu hadda hayno sawirkisii marka uu waxbarashadda ku jiray waxa kale oo kamid ahaa ardaydaas, Maxamed Baaruud Cali iyo Maxamed Cismaan Fadal iyo ragkale oo aad wada garanaysaan ayaa kamid ahaa ardaydii uu wax soo baray Mr Darlington ee ka soo baxay School-kaSheekh

 Gudoomiyaha hay’adda Darlington Mr Richar Sills oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa ka waramay dareenkiisa ku aadan waxbarashada iyo dhalinyarada qoysaska danyarta ah ee ay Jaamacadaha ka bixiyaan waxaanu arrintaa si weyn ugu amaanay aas aasihii foundation-ka Darlington oo adeerkii ahaa isla markaana isaga iyo dadkale oo farabadanba wax soo baray “markii aan yaraa ee aan jaamacadaha kagajiray dalkaasi Maraykanka adeerkay Darlington waxa uu iga caawinjray waxbarashdada waxaanu ii soo dirijiray lacagta aan wax ku barto

Mr Rchard waxa uu xusay Mr.Darlington inuu ahaa nin geesi ahaa oo noloshiishana u huray sidii uu xididada ugu siibilahaa jahliga isaga oo bilaabay hay;addan Darlington foundation si ay dadka jilicdasan uga taageerto dhinaca waxbarashada.
Richard isagoo hadalkiisa sii wata ayaa u mahadcaliyay Shirkadda isgaashsiinta SOMTEL isgoo ku tilmaamay in uu aad ugu faraxsanyahay casho sharafeedka shirkadu ku maamuustay, xusayna in Shirakadaha Dahabshiil Group ay marwalba yihiin kuwo ka qeybqaata wax qabadka Arimaha Bulshadda meel ay joogaanba.
Cawil Saalax Cabdi Maareeyaha Shirkadda Isgaadhsiinta SOMTEL oo hadal kooban ka soo jeediyay Munaasibada casho sharafta ayaa Maareeyuhu ka war bixiyay Shirkadda Somtel sheegayna inay tahay Shirkad Isgaadhsiineed oo dalka iyo dadkaba waxbadan u soo qabatay tan iyo sanadkii 2010 markii la aas aasay shirkadda, kana qeybqaadata Arimaha Bulshadda qeybta kaga soo hagaagta shirkadda. Maareeye Cawil Saalax isaga oo Hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in shirkadda SOMTEL tahay qayb kamida,Dahashiil Group taasi oo ah shirkadda ugu weyn dhanka xawaaladda iyo sarifka lacagaha ee qaaradda Africa. Maareeyuhu waxa uu intaa ku daray Somtel waxyaabaha ay u qabato Bulshadda inay kamid yihiin caawinta dadka tabaalaysan sida caruuraha darbijiifka ah ee aan lahayn cid daryeesha, Arimaha Waxbarashadda,Caafimaadka,Shaqaaleysiinta Da’yarta iyo Horumarka qeybihiisa kala duwan.
Maareeyaha shirkadda Somtel Cawil Saalax waxa uu intaas ku daray inay soo dhaweynayaan ka shirkad ahaan xafladda balaadhan ee ay dhawaan Darlington foundation ku qaban doonaan Hotelka Maan-soor Xafladaas oo lacag loogu ururinaayo[fund rising] Ardayda ka soo jeeda xaafadaha danyarta ah ee aan ubadkooda ka bixin Karin waxbarashada Jaamacada sare. waxaa isaguna halkaas kalmado kooba ka soo jeediyay Professor Siciid Xasan Axmed Gudoomiyaha Jaamacadda Golis University.

Gabagabadii munaasibada casho sharafta ah ayaa waxa hadalo ka soo jeediyay qaar ka mid ah ardayda ay Haa’yadu waxbarashadda ka bixiso, Nasra Jaamac Cabdillaahi oo ahayd gabadhii kaalinta 1aad ka gashay Imtixaanaadkii dugsiyada sare ee Somaliland kana mida ardayda ay waxbarashada Jaamacadda ka bixiso Darlington, ayaa sheegtay inaysan filanayn inay hesho jaaniskan oo kale balse ay u mahad celinayso Darlington inay siisay waxbarasho bilaash ah isla markaana wixii ku baxaya muddada ay dhiganayso qaybta Statistics-ka ee jaamacadda Hargeysa ay ka faa’iidaysan doonto fursadda la siiyey “waan u mahad celimayaa Darlington foundation jaaniska ay ii siiyeen waxbarashad jaamacada” ayey tidhi Nasra Jaamac Cabdillaahi sidoo kale waxay mahad naq balaadhan u soo jeedisay shirkada Somtel oo ay ku bogaadisay siday u garab taagan yihiin dhalinyarada wax barashada ku jirta.