Obama Oo Sawirgacmeed Laga Sameeyey Codsaday In Dhegaha La Yareeyo Iyo Farshaxankii Oo Ka Dhego-Adaygay

49
3138

Washington (Geeska)- Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barak Obama ayaa mar uu daahfurayey sawirgacmeed isaga loo ekeysiisey, waxa aanu ereyo kaftan ah ah ka yidhi dhegihiisa dhaadheer iyo timihiisa oo ay cirradu ku sii badanayso. Laakiin waxa uu aad u ammaanay sawirka loo ekeysiiyey xaaskiisa Michelle Obama.

Barak Obama oo isniintii toddobaadkii hore lagu casuumay in uu daaha ka rogo labada sawirgacmeed oo ah kuwo rasmi ah oo la dhigi doono carwada qaranka.

Obama iyo xaaskiisa ayaa labadooda sawirgacmeed oo lagu daro doono sawirgacmeedyada madaxweyneyaasha Maraykanka laga sameeyo ee la dhigo carwada qaranka, waxa ay sawirtiisa u doorteen labada farshaxan ee kala Kende Wiley iyo Amy Sherald, waxa aanay noqonaysaa markii ugu horreysay taariikhda Maraykanak ee farshaxan madow ah loo doorto in uu sawiro madaxweyne ama marwo koowaad.

Barak Obama ayaa aad u ammaanay sawirgacmeedka ay Army Sherald u sawirtay xaaskiisa, waxa aana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxa aan kaaga mahadnaqayaa sawirkan aadka u quruxda badan, ee laga dheehanayo quruxda, garaad badnaanta, jinniyadaha, iyo kalgacalka gabadha aan jecelahay”.

Intaas kaddib Obama waxa uu ku jeestay sawirka isaga loo ekeysiiyey, isaga oo la kaftamaya farshaxanka sawirayna waxa uu sheegay in isagu uu ka nasiib xumaa Amy Sherald waayo sawirka isaga oo loo diray waa uu fool xumaa, soo jiidasho badanna ma’laha. Obama oo hadalkiisa sii waday ayaa yidhi, “Bilowgii waxa aan isku dayey in aan Kende kala xaajoodo sida loo sawirayo timahayga oo aan doonayey in cirrada uu ku yareeyo, laakiin daacadnimadiisa iyo dhawrsoonaantiisa dhinaca xirfadda awgeed ma’ uu doonin in uu sameeyo wixii aan ka dalbaday … waxa kale oo aan isku dayey in aan kala xaajoodo sidii uu dhegehayga uga dhigi lahaa kuwo ka yaryar intan, laakiin taasna waa aan ku fashilmay in aan ku qanciyo.

Ugu dambayntii Michell iyo daygeeda Obama waxa ay sheegeen in ay aad ula dhacsan yihiin labadan sawirgacmeed ee iyaga loo ekeysiiyey. Michelle oo ka hadlaysa waxa ay doonayso in uu sawirkeedu faa’iideeyana waxa ay tidhi, “Waxa aan rajaynayaa in sawirkeedan gacanta lagu sawiray uu raad ku yeesho hablaha yaryar ee aan caddaanka ahayd ee Maraykannka, sannadaha soo socda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here