Obama Oo Ku Guulaystay In Uu Trump Ka Riixdo Kaalinta Hor Hore Shacbiyadda Twitter Ka Iyo Farriimihiisa Xiisaha Yeeshay

0
1228

Washington (Geeska)- Saddex ka mid ah farriimaha uu sannadkan bartiisa twitter ka soo dhigay madaxweynihii hore ee Maraykanka Barak Obama ayaa kaalmo kala duwan oo sarreeya ka galay liiska sannadlaha ah ee ay shabakadda Twitter ku muujiso farriimaha ugu shacbiyadda iyo wadaagista bata ee ay macaamiisheedu ku faafiyaan shabakadda.

Arrimaha xiisaha leh waxaa ka mid ah in liiskii u dambeeyey ee Twitter ku uu sannadkan 2017 soo saaray aanu ku jirin madaxweynaha hadda talada Maraykanka haya ee Donald Trump oo ka mid ahaan jiray dadka farriimahoodu ugu shacbiyadda badan yihiin.

Liiskan uu twitter soo saaray salaasadii dorraad, madaxweyne Trump waa uu ku jiray hoggaamiyeyaasha dunida ee sannadka 2017 ka ugu farriimaha badnaa shabakadda Twitter ka, laakiin kuma uu jirin liiska tobanka ugu horreeya, halka farriin uu madaxweyne Obama soo dhigay ay kaalintaas ka riixatay.

Farriinta madaxweynihii hore ee Maraykanka ayaa ahayd mid uu ku faallaynayey rabshadihii cunsuriyadda ku salaysnaa ee bishii Siddeedaad, 2017 ka dhacay magaalada Charlottesville ee gobalka Virginia. Obama waxa uu farriintaas ku soo daray ereyo uu ka soo dheegtay hoggaamiyihii Koonfur Afrika Nelson Mandela oo ahaa, “Cidina ma’ay dhalan iyada oo cid kale neceb, midabkiisa, taariikhdiisa ama diintiisa awgeed). Farriintaas ayaa kaalinta labaad ka gashay guud ahaan farriimihii ugu shacbiyadda badnaa ee sannadkaas lagu faafiyey barta twitter ka, iyada oo sida ay wakaaladda wararka ee Bloomberg sheegtay 1 milyan iyo 700 oo kun oo jeer ay dadku dib u sii faafiyeen (Retweet).

Farriin labaad oo uu madaxweynihii hore ee Maraykanka Barak Obama ku sagootiyey shacabka Maraykanka markii uu xilkiisu dhammaaday ee uu ka tegeyey Guriga Cad ayaa iyaduna kaalinta lixaad ka gashay tobanka farriimood ee barta twitter ka ugu shacbiyadda badnaa sannadka 2017 ka. Farriintaas ayaa uu Obama ku yidhi, “Wax kasta oo aad ii tarteen waa aan idinka mahadnaqayaa, codsigayga u dambeeyaana waa isla codsigii ugu horreeyey ee aan idin weydiistay markii aan talada imi, waxa aan idinka codsanayaa in aad rumaysataan, uma jeedo in aad rumaysataan awoodda aan u leeyahay in aan isbeddel dhalin karo, laakiin in aad rumaysataan awoodda aad idinku arrintaas u leedihiin).

Waxaa jirta farriin saddexaad oo uu Obama ku faafiyey bartiisa Twitter ka, taas oo iyaduna kaalinta siddeedaad u gashay farriimaha ugu ugu shacbiyadda badnaa sannadkii 2017 ka, waxa ay ahayd farriintii uu faafiyey maalintii caleemasaarka madaxweyne Trump 20kii Jeenaweri 2017, waxa aanay u dhignayd sidan, “Sharaftii ugu weynayd noloshayda ee aan helaa waxa ay ahayd in aan idiin adeego, waxa aad iga dhigteen hoggaamiye fiican iyo nin fiican”

Madaxweyne Trump oo caan ku ah farriimaha twitter ka ayaa u muuqda in uu hoos uga dhacay tobanka farriimodo ee ugu shacbiyadda badan sannadka 2017 ka, taas oo calaamad u ah in ay hoos u dhacday arrintii uu ku faani jiray ee ahayd in uu awood u leeyahay in uu umadda Maraykan si toos ah ugala xidhiidho bartiisa twitter ka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here