Maansada Tusaale Iyo Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax

37
6319

Maansada Tusaale  waa maanso cusub oo Abwaanka qaranka Xasan Dhuxul Laabsaalax kula dardaarmayo madaxwaynaha cusub ee Jamhuuriyada Somaliland Muddane; Muuse Biixi Cabdi. Maansadan ayaa ah Mid Waano, Hogo-tusaalayn iyo Dardaaran ah oo uu ku socota Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi. Abwaanku waxa uu sidoo Abwaanka ayaa maanso Luxdan ku daabacay bartiisa uu ku leeyahay Facebooka waxa  uu sare iyo hoos ula dardaarmayaa madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo bulshada Somaliland ka sugayso waxqabad, horumar iyo himilo shacabku mahdiyo. Abwaanka ayaa  dhinacyo badan kala hadlay madaxwaynaha haday tahay; Sicir-bararka, lacagta qiime dhacday, oday dhaqameedka, isu duubnida umada Somalialnd, cidhibtirka qabyaalada, iyo tayeynta adeegyada Bulshada. Maansada Tusaale waxay tidhi;-.

Bulsho Aan Tabcanaynin

Oon Turaaabka Dhulkooda

Aan Tamaandho ka Beerin

Oon Tunkooda ku xoogsan

Turuqooda-na maalin

Oon Tireyn Dhididkooda

Oo ku Tiirsan Shisheeye

Oo Talyaanigu Shaadhka

Iyo Tayga u Keeno

Mar hadaad Taladooda

Xilka Tuurta Ku Qaaday .

Hanaan Toosan iftiimi

Dadka Taajka Ku Saaray

Adigay Ku Tuhmeene

Rajadooda Ha Toogan

Riyadooda Ha Tuurin

Hana Tooyan Ciddooda

Ha Takoorin Badhkoodna.

Dadka qaar Tabanaaya

Xaajo toosin u baahan

Hoos U Tooyo Warkooda

Hana Qaadin Talaabo

Bari Hor Hor timaaa

Bulshaadaa kala Taala

Taleex laaskiyo Saylac

Noqo Tiir U Dhaxeeya

Yaan Dhexdooda Tirxaan

Lagu Beerin tashwiishe

Tus Walaalnimadooda

Tafaraaruqna Suuli

Taakulee midka baahan

Tabantaabi Ka Liita

Ha La Waayo Qof Tuuga

iyo Tuugsade Baahan

Bukaan Jiifka ku Taaha

Agoon Taagdaro Hayso

Maati gaajo la Tiicday

Miyi Hooyada taala

Dhalin Suuqyada taagan

Haybta Ruux Ku Takooran

Aday Taakuladaada

Tamar kaa Sugayaane

Taana Maanka Ku Hayso

Musuqmaasaqa Taagan

Ee tandhaafka maraaya

Madaxdoo  la Hor taago

Sharciguu  Tirmayaaye

Nin islaanta tamaandho

Suuqyadeena la taagan

Shilinkeeda ku Taamay

Oo ka taajiray maati

Ugu tuur hore jeelka

Ha timaado cadaalad

Ha Tanaado dalkeenu

Lacagteena Tasawday

Ku Takooray dalkeeda

ka tageen  shacabkeedu

Waa timaado qarsoone

Shilinkeena Tayee.

Adoo taagan Gawaanka

Oo dhaqaale Tabaaya

Nin wuxu ku Taraayay

Marka uu Talinaayo

Ka ahayd u tarsheego

Ama Tuunbaan dheeta

Ka Talaalo hadhawto

Waan Tilmaami karaaye

Kaana Tiisa ha yeelin

Xil ninkaad u Tusmayso

Ku tolayso xasaanad

Reerba yuu dhabar taaban

Salaadiin talo seega

Tunka Sara cumaamad

Talo Reer ku Adeegta

Laabta soo Tumanaaya

Oo siyaasad dhex taagan

Ama xeer ka talaabay

Oo tiraab hanjabaad leh

La soo Taagan I Daacad

Qarankay ku Tunteene

Tus awooda hogaaanka

Hadaad Meelo Tagayso

Ama Booqato tuulo

Yaan wasiiro tun wayn ihi

Tobanaan kor dhaafay

Garbahaaga tubnaan

U tilmaana shaqada oda

Hawsha taala xafiiska

Haku too so dantiisa

Taariikhdaada wanaaji

Yay ku Taaban Dhaliisho

Anigaa wax taraaya

Anaa baahi tiraaya

Dalkaa Taywan la moodi

Laamiyaan U Tusmayni

Tacliintaanu hagaajin

Shuruucdaanu tarbiico

Tuur wixiile ka saari

Ciidankaanu tayayni

Dhaaxo waad tiraabtay

Markii aad tartamaysay,

Buugii Aad Na Tusaysay

Haku tuurin banaane

Taam kayeel balanqaadka

Tacliintii ubadkiisa

Waalidkii ku Tabcaayay

Tag iskuulka Lahaana

Taagna maal u huraayay

Ku tuntuunsaday fiiga

Kol dirays u tolaayay

Toban jaamacad geeyay

Markii uu tamarbeelay

Awlaaduu Tirsanaayay

Mar hadaanay is Tiirin

Shaqo aanay tagaynin

Waa tabaale aduune

Bal inaanay tahriibin

Camalbay tabayaane

Taana maanka ku hayso””::Laabsaalax””::

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here