Obama Ayaydii Oo Ka Hadashay Guusha Uu Mar Labaad Hantiyay

1
622

Kogelo (Geeska/DMail)- Xaflad ku saabsan dib u doorashada Madaxweyne Obama oo ka qeybgaleen qaraabadiisa ayaa ka dhacday tuulo ku taal dalka Kenya, isda guud ahaan aduunka looga hambalyeynayo. Qaar ka mid ah qaraabada Madaxweyne Obama ayaa ku nool dalka Kenya.

Taageerayaal fara badan ayaa qeylo la oogsaday markii ay telefishanada ka daawadeen guusha Obama tuulada Kogelo ee Kenya oo ah halka uu awoowgii ka soo jeedo.

Ayeyda Obama, Sarah Obama, oo 90 jir ah ayaa sheegtay in sababta dib loogu doortay tahay in Ilaahay siiyey. Marka labaadna, uu ku helay jacaylka dadka, iyo isagoo aan qeybinta aqoon, waana sababta uu guusha ku helay.”

Dugsigii uu waxbarshada ku soo qaatay yaraantiisii Obama oo ku yaala magaalada Jakarta, ee Indonesia, ayey ardaydu farxad la damaashaadeen ku dhawaaqayeen Obama guulaystay..Obama guulastay mar kale.”

Madaxda aduunka ayaa sidoo kale hambalyo u diray guusha Obama. Raysalwasaare Putin-ka ruushka ayaa fariin twitter ku sheegay, “Hambalyo diiran saaxiib@BarackObama. Waxaan rajeynayaa wad shaqeynteena."

Dib u doorashada Obama ayaa imanaysa xilli culays ku kordhayo khilaafka u dhexeeya Yuhuuda iyo Iran, iyo mushkilada Syriya.

Raysal-wasaaraha Yuhuuda, Benjamin Netanyahu, oo xidhiidh khaawacmay u dhexeeyey Obama ku saabsan siyaasadiisa Yuhuuda iyo Iran ayaa fariin hambalyo ah u diray, “Waa sii wadi doonaa la shaqeynta Obama si loo xaqiijiyo muhiimada amaanka Yuhuud aiyo Maraykanka.”

Masuulka reer Falastiin, Saeb Erekat ayaa ku booriyey Madaxwyne Obama inuu taageero dedaalka fadhiga guud ee UN ku aqoonsanayaan dal madaxbanaan ee Falastiin.

Comments are closed.