Musharax Mawliid Nuur Oo Lix Xafiis Ka Furtay Dagmooyinka Hargaysa

1
617

Picture1Hargaysa( Geeska)- Musharaxa Mawliid Nuur Sadci oo ah musharax uga tartamaaya xisbiga Kulmiye golaha deegaanka ee magaalada Hargaysa, ayaa xadhiga ka jaray lix xafiis oo ku kala yaala dagmooyinka magaalada Hargaysa, kuwaas oo taageerayaashiisu ay uga ololayn doonaan.

Musharax Mawliid Nuur Sidci  sida oo kale intii aanu xafiisyadaas xadhiga ka soo jarin waxa uu khudbad  muhiim ah oo uu ugu talogalay ololahiisa ka jeediyay garoon ku yaala xaafada Jigjiga-yar oo ay isugu yimaadeen inbadan oo kamid ah taageerayaashiisu.

Musharaxan  dhamaan xafiisayada uu furay ayaa ay ku soo dhaweeyeen gudoomiyayaasha xafiisyadaas, odayaal iyo waliba taageerayaal si diiran ugu dhawaaqayay soo dhawayntiisa.

Musharax Mawliid Nuur Sidci  hadaladii uu u jeediyay taageerayaashiisa waxa kamid ahaa “Doorashadan  golaha deegaanka hadii aad na doorataan oo aan ku soo baxno waxaanu qaban doonaa waxii ay ka tageen walaalahayo, hawlaha u yaala dawlada hoose ee Somaliland waa ay faro badanyahiin, kow waxa ka ah nadaafaxumada, biyo la’aanta, danta guud oo aan loo aabo yeelin, wado xumada waana waxyaabaha aanu isleenahay hagaajiya ee aanu isku soo taagnay.” Musharax Mawliid isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu yidhi “ Aad iyo aad ayay dadku ugu dhibaataysanyiin inay helaan xukun wanaagsan oo badala golahii deegaanka ee hore, dal-daloolada golahii deegaanka ee hore waxa kamid ah wada shaqayn la’aan ka dhex jirtay maayarka iyo golaha deegaanka, maayarku waxa uu isku haystaa golaha wasiirada oo waxa uu ku biiraa marka la doorto madaxtooyada, golahiisa deegaankaana waa uu ka fogaadaa, hadab waxa loo baahan yahay in xeer hoosaad la helo oo maayarku aanu ka durkin golaha deegaanka oo wada tashi ka dhaxeeyo.”

Ugu danbayntii waxa uu Musharax Mawliid Nuur khudbadiisa ku soo gunaanday sidan “Caafimaadka waxa loo  baahan yahay in halkiisa loogu tago oo haay’ada qaabilsan ee dawlada hoose lagu dabo galo, waayo waxba ma tarayso hadii aan laystaageersan, nabadgalyo xumada waxa keena ajaanibka badan ee iska soo galaaya dalka, oo aan anigu ku talinaayo in loo sameeyo ugu yaraan waraaqo aqoonsiya oo lagu ogaado. Hadaba waxan walaalayaal ku soo gaabinayaa hadalkayga waad mahadsantihiin waanaynu siiwada shaqayn doonaa.”

Musharaxan oo ahaa mid soo bandhigay taageerayaal xoogan oo ku sharaxan calanka Kulmiye iyo sawiradiisa oo uu ku xardhan yahay lanbarka codayntiisa ee 322, ayaa dhamaan xafisayadan uu xadhiga ka jiray waxa loogu soo dhaweeyay si diiran waxaanu u jeediyay khudbado uu ugu talogalay ololahiisa.

Comments are closed.