Nuxurka Waxyaabihii Lagaga Hadlay Kulan Dhex Maray Madaxwayne Silanyo Iyo Afar Safiir

0
532

Picture4Hargeysa (Geeska) – Madaxwaynaha Somaliland Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay qaabilay Safiirrada Midowga Yururb, Ingiriiska, Maraykanka Iyo Talyaaniga u qaabilsan dalalka Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaasi oo Axaddii doraad booqasho ku yimid Hargeysa.

Weftiga Madaxwaynuhu la kulmay oo uu hogaaminayey safiirka midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, ayay Madaxwaynaha ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin ilaaqaadka Somaliland iyo Midowga Yurub, nabadgalyada Somaliland iyo Mashaariicda ay dalalka Midowga ka wadaan Somaliland, sida uu sheegay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, kaasi oo kulanka Madaxwaynaha ka dib shir jaraa’id ay wada qabteen Safiirka Midowga oo weftiga hogaaminayey.

Maxamed Biixi Yoonis, oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaanu ku faraxsanahay inaanu soo dhaweyno safiiro badan oo ka kala socda dalal badan oo uu ka madax yahay (Hogaaminayo) Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Magaalada Nairobi iyo safiirrada Ingiriiska, Talyaaniga iyo Maraykanka, waxa kale oo la scday wefti Faransiis iyo Austerelian ah”

Wasiirku waxa uu sheegay in ujeedada socdaalka diblumaasiyiintani ahayd inay bulshada caalamka tusaan kalsoonida lagu qabo Somaliland “Ujeedada socdaalkoodu waxa ahayd inay arkaan waxaanu qabsanay, waxaanu ka wadahadalnay Mashaariicda naga dhaxaysa, waxaanu ka wadahadalnay nabadgalyada, waxayna muujiyeen in waxa ay tarayaan Somaliland inay tahay mid muuqata  oo aanu ilaalinayno in dadkii loogu talo-galay ay gaadho. Waxa kale oo aanu ka wadahadalnay sidii aanu ilaaqaadka u xoojin lahayn waddamada qaarkood, ee ay wax nooga tari lahaayeen horumarka xagga Tacliinta iskuulada iyo Mashaariic kale oo aanu la wadno Midowga Yurub, laakiin waxa ugu muhiimsan oo ugu qiimo weyn oo weftigani inoogu yimid waxay ahayd inay dadka tusaan kalsoonida Somaliland lagu qabo, waxtarka iyo nabadgalyada, halka wanaagsan ee aynu marayno iyo sidii la inoo taageeri lahaa” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu uga mahadnaqayaa kalsoonida ay na tuseen ee ah in Somaliland tahay Waddan jira oo jooga oo Madax banaan, waxa kale oo aanu kala hadalnay sidii annaga iyo Soomaaliya aanu u kala ambo-bixi lahayn oo aanu is-kaashan lahayn, aad iyo aadna waanu ugu sharaxnay (inaanu doonayno) inaanu Soomaaliya noqono laba dal oo jaar ah, oo walaalo ah oo saaxiibtinimo ka dhaxasyo, qadiyadda Somaliland-na tahay mid shacabkeedu goosteen, taana ay naga Caawiyaan oo ay walaaladayo la hadlaan”