Munaasibad DAI Ku Daah-Furtay Fursadaha Maalgalineed Ee Mashruuca Kobcinta Dhaqaalaha

0
496

Picture3Hargeysa (Geeska) – Hay’adda DAI ee ka hawl-gasha Somaliland ayaa shalay munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa ku daah-furtay Fursadaha Maalgalineed ee Barnaamij kobcinta dhaqaalaha, kaasi oo ay ku bixi doonto lacag ka badan $1 Milyan, kaas oo lagu kobcin doono dhaqaalaha dalka, isla markaana fursado maaliyadeed loogu fidin-doono ganacsatada.

Mashruucan kobcinta dhaqaalaha ayaa loogu talo galay in lagu taageero ganacstada gaarka ah ee Somaliland ee iyagu wax-soo-saarka la yimaadda, kuwaas oo u tartami doona fursadahaas oo kor u qaadi doona ganacsigooda, kobcina doona baayac-mushtarka muwaadiniinta Somaliland ee fursada u hela inay ka qayb-qaataan.

Munaasibadda lagu furayey barnaamijkaas ayaa waxa ka soo qaybgaley Wasiirka Ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar, ku xigeenkiisa Bashiir Cabdi Xariir, madax sare oo ka socday hay’adaha ka shaqaynaya mashruucaas iyo ganacsato kala duwan ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Madaxa hay’adda DAI ee kobcinta dhaqaalaha Saleebaan Sheekh Maxamed oo isagu ka warbixiyey mashruucaas iyo kii hore ee dhamaaday waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin, waxaanu yidhi “Waxaan idinku soo dhawaynaynaa daah-furka mashruucan oo uu Wasiirka ganacsigu uu inoo daah-furayo iyaga Wasaaradda Ganacsigu la kaashanaya Barnaamijka kobcinta dhaqaalaha ee dawladda Maraykanku ay maalgaliso. Haddii aan inyar bulshadda u sharaxo barnaamijkan kobcinta dhaqaalaha sida aan sheegay waa barnaamij la shaqaynaya dawladda Somaliland iyo ganacsatada gaarka ah si loo ta-yeeyo jawiga Maalgashiga loona abuuro shaqooyin wax ku ool ah, isla markaana loo xoojiyo qaybaha dhaqaalaha. Barnaamijkanina waa barnaamijkii ugu horeeyey ee runtii 20-kii sano ee la soo dhaafay ay hay’adda USAID ay maalgaliso oo ka shaqaynaya koboca dhaqaalaha, maadaama 20-kii sano ee la soo dhaafay dhulka Soomaalida intiisa badani iyo taageerooyin kale ay ka shaqaynaysay  ayuu hadana barnaamijkani yahay kii ugu horeeyey ee mudadaasi aynu soo sheegnay ka shaqeeya koboca dhaqaalaha, kaas oo ahaa 2 sano iyo badh oo waxa uu bilaabmay sanadkii 2011-kii oo waanagii qabanay shirar badan iyo daah-furo badan”

Mr Saleebaan, waxa uu intaasi ku daray “Waxaana ka mid ahaa shaqooyinkaasi aanu qabanay ee qorshahaasi maalgashiga ah ee fursada maaliyadeed ee aanu sanadkaasi soo bandhignay, waxaana fulinaya barnaamijkaasi kobcinta dhaqaalaha hay’adda la yidhaahdo Development Alternatives Incorporated (DAI) iyo Partners-keeda la shaqeeye oo wejigii hore waxa la shaqaynayey qolo la yidhaahdo CNFA iyo kuwo badan oo Somaliland ah. Markaa barnaamijkani waxa uu helay laba sano oo dhaqaale cusboonaysiin ah,  markaa ilaa bishii 8-aad 15-keeda inuu socon doono ayaan rejaynaynaa laakiin wixii uu ka shaqayn jiray barnaamijkaasi waa la soo koobay oo qaybtii hore waxa uu ka shaqayn jiray xoolaha, beeraha, tamarta iyo wada-shaqaynta wasaaradda ganacsiga Shantaa qaybood ayaanu ka shaqaynaynay qaybta hore ee barnaamijka kobcinta dhaqaalaha laakiin labadan sano ee soo socda waxa xooga la saarayaa uun fursadaha maaliyadeed ee beeraha iyo xoolaha oo shaqadii aanu ka wadnay kama shaqayn-doono oo waxa ay USAID tidhi waar horta tijaabiya bal waxyaabaha wax ka qabashada u baahan”.

Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo isagu hay’adda  DAI iyo hay’adaha taageeraba uga mahad celiyey fursadaha muhiimka ah ee ay siinayaan ganacstada Somaliland, ayaa yidhi  “Waxaan marka ugu horaysay u mahadnaqayaa hay’adda mucaawinada Maraykanka ee USAID oo barnaamijkan aynu iskugu nimid iyo kii ka horeeyey intaba taageertay oo iyadu bixinaysay dhaqaalaha ku baxaya, waxa kale oo aan halkan uga mahadnaqayaa hay’adda DAI  ee uu Saleebaan madaxda uga yahay qaybteeda Somaliland oo kaalin fulineed iyo mid farsamo-ba ka qaadatay mashruucan kobcinta dhaqaalaha dalka”

Dhinaca kale waxa iyaguna munaasibadaasi daah-furka shuruudaha barnaamijkaasi kaga warbixiyey qaar ka mid ah hawl-wadeenadeeda, waxayna sharaxeen waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin barnaamijkii hore ee sanadkii 2011-kii la fuliyey iyo kan shalay la daah-furay, kaasi oo dhaqaalahiisa ay bixinayso hay’adda mucaawinada u qaabilsan dawladda Maraykanku ee USAID.