“Wasiirka Duulistu Waxa Uu Mucaaridka Ku Balamiyey Askarta Madaarka”

0
559

Picture5Hargeysa(Geeska)-Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa laga hor istaagay inuu madaarka gudaha u galo si uu u soo  dhaweeyo guddoomiyaha xisbigooda Eng.Faysal Cali Waraabe oo dalka ku soo laabanayay.

Jamaal Cali Xuseen oo warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee madaarka ayaa siyaasada xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo ku dhaliilay inay colaadi ka muuqato, ayna doonayso inay mucaaradka cagto hoosteeda galiso, isaga oo arimhaas ku tilmaamay in ay yihiin kuwo aanay ka muuqan hoggaamin wanaagsan.

Jamaal Cali Xuseen oo warbaahinta la hadlaayay waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waanu ku faraxsanahay in guddoomiyaha xisbiga aanu ku soo dhawayno dalka, waanu jeclayn in madaarku xor noo ahaado, runtiina waxa layaab leh in xataa wixii dadweynaha loo ogolaa laga hor istaagay xisbiyada mucaaridka ah  waana ayaan daro colaad fara badan ayaana ka muuqata dawlada, waxaanay doonayaan inay cagta hoosteeda galiyaan mucaaridka, waynu ogayn oo Kulmiye waxa uu ku cabaadi jiray in VIP-da loo furo  anagu waanu lugaynayba, laakiin iyaga wakhtigoodii maalinta loo furi waayo VIP-da  dhiig ayaaba ku daadan jiray oo yar yar ayey soo kicin jireen balse anagu waanu dulqaadanaynaa.laakiin waxaanu leenahay waar wixii aad shalay ka cabaadayseen inaad umadda ku samaysaan oo aad anaga nagu samaysaan waa wax aan wanaagsanayn,  taasna kama muuqato sharaf,milgo iyo madax toona, wasiirka duulistuna waxa uu mucaaridka ku balamiyey askarta madaarka oo waxay askartu yidhaahdeen baabuurta mucaaridka ha sii daynina ayaa nalagu yidhi iyada oo baabuurtii shacabka la sii daynayo.”

Musharax Jamaal waxa oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Dooda qaran waxay ka mid tahay intii uu awooda noo siiyey dastuurku xisbi ahaan inaanu xukuumada la xisaabtano, waana la xisaabtankii waxaanan jecelnahay inay xukuumaddu ka soo qayb gasho, waxaan maqlayey in wasiirka arimaha guduhu uu xisbiyada qaranka ku eedaynayey in dooda qaran laga soo abaabulay Muqdisho runtiina aad ayaan uga xumahay in hadalada noocaas ah ay ka soo baxaan masuul dawladeed isaga oo aan wax cadayn ah u hayn, somaliyana sadexdii sanadood ee u danbeeyeyna iyaga ayaa la hadlayey xamar oo anagu shaqo kumaanu lahayn,somaliyana wax laysku xoqayo maaha somaliland waa dal adag, runtiina meel ayuu kaga dhacay shacabka Somaliland.?