Nuxurka Warqad Uu Madaxweyne Siilaanyo U Gudbiyay Golaha Guurtida Oo La Xidhiidha Mudaynta Cusub Ee Doorashooyinka

0
522

Picture7Hargeysa(Geeska):-Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Md.Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa warqad soo jeedin ah oo ku saabsan muddo kordhin lagu sameeyo dib u dhaca ku yimi doorashooyinka la filaayey in ay badhtamaha sanadkan ka qabsoomaan dalkan, oo dhawaan todobaadkii hore komishanka dorashooyinka qaranka Somaliland ku dhawaaqay in Kowda Juun ee 2016ka ay qorsheeyeen in farasamo ahaan ay ku qaban karaan doorashooyinka is-barkan aqalka golaha wakiilada iyo madaxtooyada u gudbiyey golaha guurtida Somaliland.

Warqadan, oo nuqul ka mid ah uu helay wargeyska Geeska Afrika, ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu aqalka golaha guurtida u soo jeedinaayo in ay waajibaadkooda dastuuriga ah ay ka gutaan, dib u dhaca ku yimi doorashooyinka aqalka wakiilada iyo madaxtooyada Somaliland. Waxaana uu u dhignaa sida tan.

Ujeedo; Gudbin soo jeedinta doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Golaha Wakiilada 2015.

Mudanayaal,

Waxaan si sharaf iyo qadarin mudan idiinku soo gudbinaynaa qoraalkan gudidda doorashooyinka qaranka Somaliland ee sumadiisu tahay KDQ/XK/406/2015, ee ku taariikhaysan 22/04/2015, ujeedadiisuna tahay doorashada madaxtooyada Iyo golaha wakiilada oo ay cadeeyeen in aanay ku qaban karin xiligeedii, Sidaa daraadeedna ay soo gudbiyeen wakhtiga ay ku qaban karaan doorashada Madaxtooyada Iyo Golaha Wakiilada JSL .

Haddaba waxaan mudanayaal idiin soo jeedinayaa inaad ka gudataan waajibaadkiinii Dastuuriga ah.

ALLAA MAHAD LEH.