Dood Dhex Martay Shirguddoonka Guurtida Iyo Wefti Ingiriis Ah Oo Dalka Yimid

0
455

Picture6Hargeysa(Geeska)-Wefti ay hogaaminaysay Miss Cat Evan, Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Ingirisku uu ku leeyahay Waddanka Ethiopia, oo ka koobna 4 xubnood ayaa la kulmay Shir-guddoonka Golaha Guurtidda.

Dhinaca Golaha guurtida waxa kulanka goob joog ahaa Ku-simaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Mudane Siciid Jaamac Cali, Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Golaha Mudane Cabdiraxmaan Sh. Yuusuf Sh. Madar, Xoghayaha Guud ee Golaha Mudane Cabdilaahi Ibraahim Habane iyo Xubno ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Guddigga Joogtadda ee Goluhu Mudane Muxumed Aw- Axmed X. Aadan, X. Cabdi Xuseen Yuusuf, Guddoomiyaha Guddigga Arrimaha Bulshadda ee Golaha Mudane Cabdiqaadir Maxamed Xasan iyo Xildhibaan Maxamed Sh. C/raxmaan.

 Nuxurka Socdaalka Waftigaasi wuxu la xidhiidhay Arrimaha Doorashooyinka, waxayna daba socdeen Qoraalka uu Komishanku arinkaasi ka soo saaray ee uu ku mudeeyay inay doorashoyinku qabsoomaan 1 June 2016, waxayna weftiga Ingiriiska ahi caddeeyeen in ay ayidsan yihiin Arrinta Komishanka, kuna adag yihiin, iyagoo guurtida hogo tusaaleeyay sida ay beesha caalamku u danaynayso in muddo kordhinta ay samayn doonaan aanay ka badan wakhtiga ay guddiga doorashadu u mudeeyeen doorashooyinka.

Golaha guurtida ayaa Mawqifka Weftiga Ingiriiska waxay kaga jawaab celiyeen in ay haboonayd Sharciyana ay tahay in Komishanku marka hore uu cadeeyo in aanay Doorashaddii ku qabsoomayn wakhtiigii hore loogu talla-gallay ee  ahaa 26 June 2015, marka ay Muddo kordhin timaadana ka dib ay cayimaan wakhtiga ay qabanayaan Doorashadda oo waafaqsan Qoddobadda 42-aad iyo 83-aad ee Dastuurka JSL iyo Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Golayaasha Deegaanka Xeer Lambar 20/2001.

Waxaanay guurtidu ku doodeen in iyagoo tix-gallin doona Dareemada Beesha Caalamka iyo Asxaabta Qaranka, Danta Guud ee Maslaxaddda Qaranka iyo Xaalaadka Guddo iyo Dibedba ee ku xidhiidhsan Mandaqadda iyo dalkeenaba wuxu fallan-qayn doona kana doodii doona wakhtigii munaasib ah.

 Sidaasi ayuu Shir-guddoonku iyo Xubnihii kale ee Goluhu kula doodeen weftiga, waxayna ka guddoomeen waraaqihii ay ugu tallo galeen oo la xidhiidha mawqifka beesha caalamka ee doorashooyinka Somaliland.