Boqor Buurmadow Oo Xukuumada Ku Eedeeyay In Aanay Daacad Ka Ahayn Wax Ka Qabashada Colaada Ceel-afweyn

0
751

UAE(Geeska)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa xukuumada madaxweyne Biixi ku eedeeyay in aanay ka daacad ahayn nabada Ceel-afweyn, isla markaasna xukuumadu ay bixin wayday waxyaabihii ay ballan qaaday.

Waxa uu Boqor Buurmadow xukuumada ku dhaliilay inay xabsiga dhigtay cid kasta oo gacan ku dhiiglayaashii kala danbeeyay wax ka qaban lahayd ama raacdayn lahayd, isla markaasna aanay xukuumadii waxba soo qaban, waxaanu xukuumada ku tilmaamay inay fulinteedii ka maqan tahay iyo la shaqaynta dadka deegaanka, isla markaasna ay sii murginta xaalada Ceel-afweyn ay ku hawlantahay Boqor Buurmadow ayaa sidan sheegay isaga oo u waramaayay Bulsho Tv, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay. “ waxa la ogyahay doorkii wanaagsanaa ee aan ka qaatay waxii dhacdooyin dhacaayay, gudidii nabadaynta ee Dhawal iyo hogaaminayeen haday tahay, haday dawlada tahay iyo haday tahay qabaa’ilkan aanu walaalaha nahay ee aanu isku dhacnay, waxa markhaati ka ah in gacan ku dhiiglayaasha soo qabashadooda iyo arinka soo dhawayntiisa doorkii aan ku lahaa waa uu caddaa, go’aamadii aanu gaadhnay halkii ay ka socon waayeen xagii beelaha maaha, go’aamada markii culimadii ay nagu dhex dhexaadisay sulux iyo salaadiintii waxa ay ka socon wayday sadexdii wasiir ee ay arintu qusaysay Maxamed kaahin, Xasan Gaafaadhi iyo Boos Mire in arrimihii nagu adkaaday ee ay iyagu ballan qaadeen gudidiina waa la waydiin doonaaye inay dhamays tiraan ee waliba khaaska u khusaynaayay, ilaa ay dhacdooyin danbe yimaadeen, fulintii dawlada ayaa meesha ka maqnayd,”

Waa uu si watay hadalkiisa “ Sadexdan dhacdo ee iska daba dhacay qaarna waanu ku maqnayn tii u danbaysay ee dhacday ramadaanta dhexdeeda intaanan waxba ka qaban odayaashii aan diray ee shaqaynaayay iyo dadkii cid u xigay dawladu waa ay xidhay si aanay u raacdayn gacan ku dhiiglayaasha jaanis lama siin oo jeelasha ayay ku jiraan, tii Garadag ee dhacdayna dadkii u fil roonaa ee ay ahayd inay soo qabtaan way xidhay dawladu iyo intii cid u xigtay ee wax soo qaban lahaydba. Arintan in aanay dawladu daacad ka ahayn in wax laga qabto, aniguna diyaar ayaan u ahay inaan wax ka qabano, waxaanu walaaladayo u ballan qaadaynaa hadii jaanis nalasiiiyo oo dawladu ay ogolaato inaanu dadkii soo qabano inaanu kuwii Booramana u soo qabanayno qolada kalena u soo qabanayno dadkii gacanta lahaa ee wax soo qaban lahaana dhamaantood waa ay xidhan yihiin ee cid ugu xigay ee raadin lahaa ama aanu adeegsanaynay iyada ( Xukuumada) ayaana ogolayn inaan arintaas wax ka qabano oo raacdadii raacno aniga dadka ila shaqeeyaa waa danbiile oo dawladu waa ay xidhaysaa sideen u wax u qaban karayaa, waxay noqotay inaan ka aamuso.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here