Nuxurka Qoraalka Ay Guddiga Diiwaangelintu Ku Waajahday Dacwadii UCID Ee Maayarka Berbera Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Dhaliilay Jidka Ay Mareen

8
600

Picture2Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa dhaliilay qaabka ay guddiga diiwaangelintu uga tiraab celisay dacwad uu xisbigu ku oogay maayarka magaalada Berbera iyo xildhibaan kale oo uu xisbiga UCID codsaday in loogu bedelo xildhibaano kale mar haddii ay ku biireen KULMIYE.

Guddoomiyaha guddiga diiwaangelinta Cabdirisaaq Jaamac Ciyaale, oo uu xisbiga UCID ka sugayay jawaab la xidhiidha dacwadooda, ayaa wuxuu guddoomiyuhu qoraal u diray maayarka Berbera iyo xildhibaanka weheliyay, iyadoo ay guddigu ogaysiin siisay xisbiga UCID. Qoraalka Mr. Ciyaale, u diray Maayarka iyo xildhibaanka oo ku taariikhaysnaa 6 Oktoobar, wuxuu u qornaa sidan: “Waxa xafiiska guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo ansixinta asxaabta qaranka soo gaadhay dacwad  ka dhan ah labada xildhibaan ee kor ku xusan [Xildhibaan Cabdishakuur Maxamed Xasan oo ah maayarka Berbera iyo xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Yuusuf.], dacwadaas oo uu xisbiga UCID soo gudbiyay.

Dacwadaas oo ku saabsan inaad ka baxdeen xisbiga UCID, kuna biirteen xisbiga KULMIYE. Sidaas awgeed waxay guddigu idinka rabtaa inaad soo cadaysaan inaad xisbiga UCID ka baxdeen kuna biirteen KULMIYE iyo inaydaan ku biirin xisbiga KULMIYE.”

Haddaba, guddomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa guddiga diiwaangelinta qaranka uga jawaabay qoraalkaas, isagoo ogaysiin siiyay guddiga doorashooyinka, wasiirka daakhiliga iyo badhasaabka Saaxil. Waxaanu Faysal jawaabtiisa u dhigay sidan: Anagoo tixraacanay Qoraalka Sida Rasmiga ah uga soo baxay Xisbiga UCID ee Sumaddiisu ahayd Ref: 194/ UCID /2013 kuna taariikhaysnaa  02/10/2013 nuxurkiisuna ahaa Dacwad Xisbiga UCID Ku soo oogay kana dhan ah labada Xildhibaan ee Kala ahaa Mayorka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan iyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed X. Yuusuf, ku waas oo sida la wada ogsoon yahay loo qabtay xaflad si heersare ah loo agaasimay oo ay ka qayb galeen madaxda sare ee Xukuumada Somaliland oo ay ka mid yihiin Xubno Golaha Wasiiradda ka tirsan sida Wasiirka Madaxtooyada iyo Gaashaandhiga iyo Madaxda sar sare ee Hogaanka Xisbiga KULMIYE laguna qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Berbera taas oo u jeedada loo qabtay ku magacawnayd Labada Xildhibaan ee Kor Ku xusan oo Ka baxay Xisbiga UCID una wareegay Xisbiga KULMIYE, iyagoo ku xardhan istiikariska iyo astaamaha Xisbiga KULMIYE.

Waxaynu ka wada dharagsanahay hadaladii iyo barnaamijkii arintaa ku saabsanaa ee dhamaantood ka baxay warbaahinta Xukuumada iyo kuwa madaxa banaanba taas oo Xisbiga UCID uu ka hayo Cajalado IYO Ducumentiyo Kayd ah oo ka marag kacaya dhamaan hadaladii iyo ujeedadii munaasibadaas.

Wuxuu Xisbiga UCID idiin soo gudbiyay Dacwad buuxda oo ka dhan ah labada Xildhibaan ee kor ku xusan isagoo raacaya Xeer hoosaadka Xisbiga UCID, Xeer Lb14 iyo Xeerka Anshaxa Ururada si faahfaahsana ugu sharaxay dhamaan qodobada aanu u cuskanay labadan Xildhibaan.

Hadaba markaanu tixraacnay Warqada ka soo baxday Xafiiska Guddida Diiwaangelinta Ururradda iyo Axsaabta Qaranka ee sumadeedu ahayd REF:GDU/AAS/189/2013 kuna taariikhaysan 06/10/2013 Ogaysiintana lagu soo siiyay Xisbiga UCID sida tooska ahna ugu socotay labada Xildhibaan ee kor ku xusan taas oo nuxurkeedu ahaa su’aal lagu waydiinayo labada Xildhibaan in ay Xisbiga UCID ka baxeen kuna biireen Xisbiga KULMIYE iyo inkale.

Haddaanu nahay Xisbiga UCID waxaanu u aragnaa Guddida Diiwaan Gelinta Qaranka jawaab celinta ay soo gaadhsiiyeen Xisbiga UCID in aanay ahayn mid kuf u ah Xilkii iyo Waajibaadkii uu u jideeyay Xeerku iyo jawaabtaanu ka sugaynay toona.

Mar labaad waxaanu xusuusinaynaa Guddida Diiwaangelinta Ururdda iyo Axsaabta Qaranku in ay Xilkooda ay uga gutaan Dacwadan sida uu Xeerku ugu jideeyay kana ilaaliyaan arinkastoo baal marsan nuxurka laga sugayo.”

Comments are closed.