Hay’adda GAVO Oo Xustay Maalinta Caalamiga Ah Ee Xanuunka Dhimirka

10
3727

Picture1Hargeysa (Geeska) – Hay’adda Waddaniga ah ee Gavo oo gacan ka helaysa hay’adda caalamiga ah GTR, ayaa xusay Maalinta caalamiga ah ee Dadka Dhimirka qaba, taasi oo caalamka laga xuso 10-ka bisha October sanad kasta.

Xuskan oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa khamiistii doraad, ayaa waxa ka qayb-galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Cismaan iyo masuuliyiin ka kala socday GRT iyo Gavo, ayaa waxa lagu soo bandhigay sida ay muhiimka u tahay in la iska kaashado sidii wax loogu qaban lahaa dadka qaba xanuunada dhimirka.

Cabdirashiid Cabdilaahi Ismaaciil, oo ka socday hay’adda Waddaniga ah ee Gavo waxaanu yidhi “Anniga oo ku hadlaya Magaca hay’adda Wadaniga ah ee Gavo, waxaanu Munaasibaddan kaga hadlaynaa maalinta Dhimirka Adduunka (Dadka Dhimirka Qaba ee Adduunka), taasoo maanta hal ku dhiggeedu yahay “Dadka waaweyn ee Xanuunada Dhimirka qaba”, waxaana naga maalgalisay hay’adda Caalamiga ah ee GRT, waxa kale oo nala qabanqaabisay Wasaaradda Caafimaadka”

Cabdirisaaq Maxamed Warsame, oo isna halkaasi ka hadlayey Magaca hay’adda caalamiga ah ee GTR ayaa yidhi “Anniga ku hadlaya Magaca hay’adda caalamiga ah ee GTR, oo Wasaaradda Caafimaadka kala shaqeysa hawlaha Dhimirka, waxa farxad noo ah inaanu Soamliland ka xusno Maalinta loo yaqaano Dhimirka Adduunka, sanadkana waxa loogu talo-galay in bulsho weynta caalamka lagu baraarujiyo caalamka, annaguna annaga oo la hadlayna bulshada Somaliland aanu ku baraaruinayno in la kordhiyo daryeelka dadka waayeelka ah ee dhimirka ka xanuunsanaya.Waxaanu u mahadnaqeynaa wasaaradda Caafimaadka oo aanu si wanaagsan uga wada shaqeyno Mashaariicda dhimirka, si wanaagsana noola shaqeysa”

Isu-duwaha qaybta Dhimirka ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Mustafe, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Maanta waa Maalintii loogu talo-galay in la xuso ama la xasuusto dadka dhimirka wax ka qaba ama la is xasuusiyo waxa ay u baahan yihiin iyo dhibaatada haysata, waxaan uga soo gudbayaa oo halkan ila fadhiya oo aan aad iyo aad u jecelahay inaan mar walba sheego waxqabadkooda hay’adda GRT iyo GAVO, Ga oo dhimirka la soo shaqeynaysay 1995-kii ilaa maantana aan gacanta kala bixin iyo GTR oo saddexdii sanadood ee u dambeeyayba gacanta ku haysay Cisbitaalka guud ee Hargeysa”

Dr Mustafe waxa kale oo uu sheegay “Waxaan u duceynayaa dadka qaba xanuunada Dhimirka, dadkeena guud ahaan iyo ganacsatada waxaan leeyahay yaan laga seexan umadda jilicsan ee dhimirka ka qabta”ayuu yidhi.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, ayaa isaguna gabogabadii halkaasi ka hadlay hambalyeeyay doorka hay’adaha GRT iyo Gavo ee taakulaynta dadka qaba xanuunada dhimirka “Waxaan hambalyo u dirayaa hay’adaha GRT iyo Gavo oo nagala shaqeeya waaxda xanuunada dhimirka oo aad iyo aad u balaadhan iyada oo culays badana na haysto qaran ahaan, waxa loo baahan yahay in la dardar-galiyo hawlaha caafimaad ee dadka qaba xanuunada dhimirka iyo in sidoo kale la helo dad ka hawlgala oo xirfadaha dadka kor loo qaado iyo in la dardar galiyo qorshaha dalkeenu ka leeyahay in hoos loo dhigo dadka qaba xanuunada dhimirka” ayuu yidhi.

Comments are closed.