Nuxurka Qodobada Uu Madaxweynuhu Ku Tiiq-tiiqsaday Iyo Kuwa Uu Ka Tagay

0
507

siilaanyo 2Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa Khudbad Sannadeedkiisa Dastuuriga ahayd ka soo hor jeediyey fadhi ay si wada jir ah u yeesheen Goleyaasha Guurtida iyo Wakiilada.

Khudbadan uu Madaxweynuhu Shalay jeediyey oo ahayd Khudbadiisi afraad ee uu ka hor jeediyey Golayaasha Sharci dejinta,ayaa waxa goob joog ahaa 115-Muddane oo iskugu jira Guurtida iyo Wakiilada, isla markaana goob joog ay ka ahayeen Wasiirada Somaliland, Maayarka Caasimadda, Ururada Haweenka, Bulshada Rayidka ah, Culimada iyo Marti sharaf aad u fara badan, ayaa khudbadan Madaxweynuhu soo jeediyey waxa uu kaga hadlay Qodobo badan, oo ay wax ka qabtay tan  iyo markii uu noqday Madaxweynaha Qaranka, waxaanu qodobadaas ka mid ahaa Amaanka,Waxbarashada, Caafimaadka, Kabayaasha Dhaqaalaha, Siyaasada Arrimaha Dibedda iyo Ictiraaf raadinta. Hase yeeshe wuxuu Madaxweynuhu ka gaabsadya inuu soo hadal qaado laba qodob oo muhiim u ah geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu aad ugu dheeraaday qodobo ay ka mid yihiin Waxbarashada iyo Caafimaadka, arrimaha dibadda, nabadgelyada, Xoolaha iyo Illaalinta Deegaanka iyo qodobo kale. Laakiin waxa ay dad badani oo madasha ku sugnaa ay arkayeen inaanu Madaxweynuhu soo hadal qaadin doorashada madaxtooyada ee qorshaysan inay kal dambe qabsoonto iyo diiwaangelinta cod bixiyayaasha.

Qodobka doorashada oo  ay ahayd inuu madaxweynuhu cadeeyo inay doorashadu wakhtigeeda ku qabsoomayso si ay meesha uga baxdo walaaca ay dad badani ka qabaan qabsoomideeda, ayaa ahaa mid muhiim ah oo ay bulshada caalamka ee doorashooyinka taageera iyo xisbiyaduba ka sugayeen.

 Diiwaangelinta cod bixiyayaasha oo isna ah qodob fure u ah doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka qabsoonta ayaanu Madaxweynuhu soo hadal qaadin, iyadoo la sugayay inay ugu dambayn bilahan lagu jiro si rasmi ah loo sameeyo diiwaangelinta cod bixiyayaasha, iyadoo ay bulshada dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland taageera dalbanayaan qabashada diiwaangelinta cod bixiyaasha oo ay qayb muhiim ah oo dhaqaale ku taageerayaan.

Geesta kale, wuxuu madaxweyne Siilaanyo khudbadiisa kaga hadlay arrimo uu sheegay inuu wax ka qabashadooda ku guulaystay, waxase aanu hal qodobna ka sheegin waxyaabaha ay xukuumadiisu ku fashilantay inay wax ka qabato.

Si kastaba ha ahaate, khudbada madaxweynaha ayay dad badani u arkayaan mid aan lahayn miisaankii laga sugayay, iyadoo la ogyahay in Madaxweyne Silaanyo  uu madaxweynihii ka horeeyay Md. Daahir Rayaale Kaahin, khudbadiisa distooriga ah ku tilmaami jiray hadal aan macno lahayn oo xambaarsan warbixino xaqiiqada ka fog.