Nuxurka Kulan Islaab-Xaadhasho Ah Oo Xalay Dhex Maray Madaxweyne Axmed-Siilaanyo Iyo Muuse Biixi Oo La Iskula Qaatay In Xaalada La Dejiyo Dhigay

0
570

 

Picture5Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay yeeshay kulan, ka dib markii ay toddobaadkan horaantiisii ku kala kaceen kulan ka dhacay qasriga madaxtooyada.

Ma jiro war rasmi ah oo kulanka xalay ka soo baxay, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in kulanku ahaa is laab-xaadhasho iyo in xaaladda lagu soo dabaalo jawi degen, waxaanu warku sheegay in Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo tallo ku soo jeediyay in kulanka xalay uu ku koobnaado wada hadal kooban oo xaaladda taagan lagu dejinayo, gebi ahaana lama gudo-gelin mawduuca xaasaasiga ah ee labada oday kala irdheeyay, kaas oo ah murashaxnimada guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

Ilahani waxay tibaaxeen in Madaxweynuhu soo jeediyay in si ay u soo noqoto kalsoonidii iyo wada shaqayntii hore u jirtay ay muhiim tahay in marka hore aan wada hadalka lagu bilaabin gudo-galka arrinta taagan, islamarkaana la isugu soo noqdo kulan dambe, isagoo islamarkaana dhinaca kale hogo tusaaleeyay xaaladaha dalka ka jirta.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna la sheegay inuu ku qancay soo jeedinta Madaxweyne Siilaanyo ee ah in xaaladda la dejiyo, wada hadalkana la guddo-galo maalmaha soo socda, waxaana la isla qaatay in la isugu soo noqdo kulan dambe.

Madaxweynaha, waxa kulanka ku weheliyay dhawr wasiir, waxaana ka maqnaa wasiirka maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, halka ay guddoomiye Muuse Biixi Cabdi dhinaciisa la socdeen guddoomiye xigeenka KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo xubno kale.