Geeska Afrika Oo Shaaciyay Masuulka Uu U Xulay Shakhsiga Sanadka Ee Xukuumada Md. Silanyo

0
526

 

Picture4Hargeysa (Geeska)- Nidaamka Dimuqraadiyadda ayaa ay tahay in masuul kasta lagula xisaabto waajibaadka qaran ee loo igmaday, taariikhdana loo geliyo kaalinta togan ama taban ee uu ku lahaa qarankiisa, si uu dersi ugu noqdo kuwa xilkan iyo guud ahaanba masuuliyadaha qaranka uga dambeeya. Waa waajib wadaniya in masuulku uu ummaddiisa ammaan iyo mahadnaq kaga helo waajibka qaranka ee uu sida saxda ah u gutay, sida ay waajibka u tahay in haddii uu kaalintiisa gabo looga dhigto tusaale xun oo cidda ka dambaysa duruus iyo cibro ku qaadato, isaguna ay tahay in uu fursadda cid kale u banneeyo. La xisaabtanka iyo qiimaynta masuuliyiinta qarankuna waa xaq uu muwaadinku leeyahay.

Inta badan qiimaynta muwaadiniintu waa ay baahsan tahay, kamana maarmayso in la helo hab loo ururiyo si cod midaysan loogu soo bandhigo muwaadiniinta iyo masuuliyiinta sare ee xilka u igmatay masuulka la qiimaynayo, sidaa awgeed cidda ugu habboon in ay soo ururiso dareenkaas bulshadu waa warbaahinta madaxa bannaan, oo marka ay si masuuliyad iyo wadaniyadi ku dheehan tahay u shaqayso noqonaysa awoodda Afraad ee dal dimuqraadi ah ka talisa, iyada oo weliba saddexda waaxood ee kale ee qaranka dheer kalsoonida shacabka oo ay ugu badsato.

Haddaba wargeyska GeeskaAfrikaisaga oo ka duulaya masuuliyadda bulsho ee saaran, una arka in ay gar tahay in masuul kasta lagu qiimeeyo sammaan iyo xumaan waxa uu soo kordhiyeyna, uu bulshada u soo bandhigo. Markii si aqoon iyo caddaaladi ku dheehan tahay uu muddo baadhay wax qabadka sannadkii 2012ka ee masuuliyiinta kala duwan ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee heer qaran, isaga oo si gaar ah u eegaya, waxa uu masuulku ku soo kordhiyey hay’addiisa iyo horumarka uu hiigsanayaa sida uu u yahay mid waaqaca la jaanqaadaya oo aan ahayn mala awaal iyo laab la kac.

Wargeyska GeeskaAfrikawaxa uu ka badheedhayaa in uu wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire u soo sharraxo shakhsiyadda sannadka labaad ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Wargeysku waxa uu ka marag kacayaa in Dr. Sacad Cali Shire uu yahay masuul mudan in lagaga daydo daacadnimo u gudashada waajibaadka qaranka iyo in uu yahay shakhsi jooga mansab ku habboon, Dr. Sacad waa bidhaan muujinaysa in ruuxu uu si tayo badan wax uga qaban karo xilka qaran ee uu aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa leeyahay.

Muxuu ku mutaystay:

Dr. Sacad Cali Shire oo ku xeel dheer cilmiga dhaqaalaha oo uu shahaadada labaad ee jaamacadda (Master) iyo tan ugu sarraysa ee PhD ku diyaariyey jaamacadda gobolka Pennsylvania ee dalka Maraykanka intii ka horreysay sannadkii 1986kii. Waxa uu wargeyska GeeskaAfrikadul istaagay in muddadii ka dambaysay bishii August 2010 ee uu xilkan wasaaradda uu hayey, uu ku guulaysay horumarinta iyo kobcinta shaqo ee wasaaraddiisa oo ka mid ah wasaaradaha tirada yar ee nasiibka u helay in ay isaga dambeeyaan wasiirro tayo leh oo ku habboon wax ka qabashadeeda.

Sida uu wasiirka Qorshaynta iyo horumarintu u xaqiijiyey saxafiiyiin xaqiiqo raadis ah oo uu Wargeyska Geeska Afrikau igmaday soo xulidda murashaxa ku habboon shakhsiyadda sannadka 2012ka wax yaabaha uu wasaaradda ku soo kordhiyey waxaa ka mid ah:

– Muddadii uu wasiir Sacad xilka hayey waxa uu dhamaystir, kordhin iyo qalabayn ku sameeyey dhismaha wasaaradda qorshaynta oo socday markii uu xilka la wareegay.

– Wargeyska Geeska Afrika waxa uu markhaati ka noqday in muddadii uu Dr. Sacad hayey xilka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta ee Somaliland ay wasaaraddu noqotay tan keliya ee xafiisyo shaqaynaya oo dhismayaashana ay wasaaraddu leedahay ku leh dhammaan gobbollada Jamhuuriyadda Somaliland, oo markii hore qaarkood uun ay u joogeen shaqaale aan tiro badnayn.

-Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu qirayaa in Wasiir Sacad Cali Shire, uu shaqaalaha ay wasaaradu u baahato ku qaato nidaam cadaaladeed oo sharci ah. Waxaana la ogyahay inay masuuliyiinta hay’adda shaqaalaha dawladu ugu baaqeen masuuliyiinta kale ee xukuumada inay ku daydaan Wasiirka qorshaynta.

– Sida uu noo sheegay Wasiir Sacad markii uu xilka la wareegay waxa ay wasaaradda Qorshayntu ku shaqayn jirtay qorshe ay Qaramada midoobey ugu talo gashay dhulkii la isku odhan jiray Soomaaliya, oo badankiisu aanu khusayn Somaliland, waxase uu isagu dejiyey qorshe horumarinta Somaliland  oo isugu jira hiigsiga 30ka sano ee soo socda iyo qorshe horumarineedka Afarta sano ee u dhexeeya 2012ka illaa 2016.

– Wasaaradda qorshaynta muddadii uu joogay Dr. Sacad wax yaabaha aan hore u jirin ee ay soo kordhisay waxaa ka mid ah: Qorshaha isku filnaanshiyaha cuntada iyo biyaha, Xeerka samofalka, oo sharciyeynaya in ay wasaaraddu la xisaabtanto hay’adaha wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah ee dalka ka shaqeeya, xeerkan oo qodobbada muhiimka ah ee uu dhigayo ay ka mid tahah in hay’ad kasta heshiis wada shaqayneed la gasho wasaaradda khusayso shaqada ay qabanaysaa, in kasta oo weli dhaqan gelinta xeerkan lagu gudo jiro, waxa sidoo kale wasaaraddu golaha wakiillada hor geysa Xeerka Xog ururinta oo uu goluhu ansixiyey isuna dhaafiyey Guurtida.

– Wasaaradda Qorshayntu waxa ay qabatay Carwo hay’adaha iyo ururrada dalka ka shaqeeyaa ay ku soo bandhigeen wax-qabadkooda, isla markaana ay isku dhaafsadeen aragtiyo iyo xidhiidho, taas oo aan hore uga dhicin guud ahaanba dalalka Geeska Afrika.

– Dr. Sacad waxa uu wasaaradda Qorshaynta u sameeyey waaxda ururinta xogta, oo si isku mid ah u ururinaysa xog kasta oo ay dalka ka sameeyaan hay’adaha dawladda iyo hay’adaha madaxa bannaan labaduba.

– Waxa ay wasaaraddu samaysay  Khariiradda biyaha, goobaha waxbarashada iy rugaha caafimaadka ee dalka oo dhan, khariiraddaas oo diyaar ah daabicsiteedana uu wasiirku sheegay in uu la sugayo mishiin cusub oo wasaaradda dibadda uga soo socda oo dhowaan la filayo.

Soo jeedinta Wargeyska:

Wargeyska Gieeska Afrika waxa uu ku dardaarmayaa mabda’a ah in la dhiirigeliyo qofka dhanka wanaagsan talaabo u qaada, waxa aanu wargeysku ugu baaqayaa masuuliyiinta kale ee qaranka iyo guud ahaanba muwaadiniintu in ay ku dhiirradaan gacan qabashada masuulka ay u arkaan in xilkiisa uu gudanayo iyo in ay ku taageeraan wixii hadba suurtogal ah, si gaar ah waxaa waajib ku ah muwaadin kastaa, sida sharciga iyo xadaaradduba ina barayaan in uu u hagar baxo gacan-qabashada iyo la shaqaynta ay wasaaraddu uga baahan karto, taas oo ah sida ugu habboon ee masuulka xilka qaranka hayaa ku heli karo niyad samida iyo dhiirrashada ay shaqadani uga baahan tahay.

Wargeysku waxa uu ugu baaqayaa masuuliyiinta dalka oo uu ugu horreeyo madaxweynaha jamhuuriyaddu in la dardar geliyo la xisaabtanka masuuliyiinta qaranka ee hawlaha kala duwan loo igmaday iyada oo la xisaabtanka iyo xog ururinta laga soo bilaabayo heer dadweyne, si runta aan looga fogaan, qiimayntuna aanay u noqon gar eexo, waxaana muhiim ah in masuulka hawshiisa qabsadaa ku mutaysto nooc uun abaalgud oo uu kaga soocan yahay kuwa aan wax buuran qaban ama fadhiidka ah.

Gunaanad:

Wargeyska Geeska Afrika oo sannad kasta shakhsi ka soo xulan doona masuuliyiinta qaranku waxa uu dammaanad qaadayaa in cidda uu qiimaynta u dirayaa noqoto cid xog dhab ah raadisa, miisaanka ay sitaanna yahay mid irbaddiisu fadhido oo indho caafimaad qabaa dhowrayaan.

Ugu dambayntii waxa aanu hambalyeynaynaa wasiirka qorshaynta iyo horumarinta qaranka Dr. Sacad Cali Shire sida hawl karnimada leh ee uu u gutay waajibaadkiisa, waxa aanuna ka rajaynaynaa in intani noqoto bilow uun, oo dadaal iyo wax qabad kale oo badani u laaban yihiin.

Mar kale waxa uu wargeyska Geeska Afrikasi kal iyo laab ah madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland uga hambalyeynayaa xulashada uu wasiirkan u xushay wasaaraddan oo u muuqata tii uu u qalmayey, iyo sidoo kale guud ahaanba masuuliyiinta xukuumaddiisa ku jira ee uu u igmaday shaqooyinkii ku habboonaa iyaguna si daacad iyo wadaniyad ah u gutay.