Nuxurka Kulan Dhex Maray Sanduuqa SDF Iyo Ganacsada & Shirkadaha Qandaraasyada Qaata

0
537

Masuuliyiinta Maamulaya  Sanduuqa Horumarinta Somaliland,(SDF), ayaa kulan la yeeshay Ganacsatada iyo Maamulayasha Shirkadaha qaata qadaraasyada.

Kulankanioo  ka dhacay Hotel Ambassidor ee Magaalada Hargeysa taariikhdu markay ahayd July 8, 2014.Kulankan ayaa ula jeedadiisu ahayd sidii ayula socon lahaayeen dadwaynahusida ay u socdaan howlaha qorashahasanduuqahorumarinta somaliland  ,ee SDF ,waxaana ugu horay shirka furahay hogaamiyaha kooxda maamusha sanduuqa horumarinta Mr Anthony Njue waxaanu dadka u soo bandhigay mashaariicda ilaa hada dhamaatay iyo wasaaradaha la siiyey oo kala ah : W/Beeraha ,w/horumarinta deegaanka iyo reer guuraaga, W/khayraadka biyaha,Wakaalada Biyaha ee Hargeysa,Wakaalada Wadooyinka Somaliland

Waxaa kale shirka ka qayb galayaasha loogu soo badhigayqaababka ay maamulayaasha Sanduuqa horumarinta Somaliland u kala xushaan cidii soo codsata in ay fuliso mashuuc iyo shuruudaha qandaraaslayaasha madax banaan laga rabo in ay buuxiyaan iyo qaabka ay u soo codsan karaan,iyada oo ay dadka ka qayb galay kulankani ay su,aalo ku saabsan mashruucani waydiiween masuuliyinta gabi ahaan halkaasi looga jawaabay su,aalahii.

Wajiga labaad shirka ayaa dhacay 09 july -2014 waxaana wajiga labaad ay masuuliyiintu la kulan la yeesheen Ururada wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah, ee loo yaqaano afka ingiriisiga Local NGO iyo International NGO ,kulani waxaa lagu naaqishayey sidii ay xog loo kala qaadan lahaa halka ay marayaan howlaha sanduuqada horumarinta somaliland mashaariicda la sii daayey iyo kuwaa dhawaan la soo dayn doono

Wixii faah faahin ah kala soo xidhiidh

email: Info@sdf-secretariat.org, Attention. Team Leader/ Fund Manager