Madarasada Daarul Huda Oo Shaahado Sharaf Gudoonsiiyey Ardeyda Kaalmaha Hore Ka Galay Tartankii Xifdiga Quraanka

0
570

Picture2Hargeysa (Geeska)-Madarisada Daarul Huda oo ka mid ah Madarisadaha ku yaala Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Degmada Gacan Libaax, ayaa Munaasibad balaadhan oo ay Shaahado Sharaf ku gudoonsiinaysay u qabatay Saddex Arday oo ka mid ah Ardaydii kaalmaha hore ka galay Tartanka Xifdiga Quraanka Kariimka ah ee ka socday Masaajidka Cali Mataan, Saddexda Arday ee kala ah Cabdiwahaab Ismaacil Maxamed oo kaalinta kowaad ka galay Tartanka Sodonka Jis, Suhayb Maxamed Ibraahim oo kaalinta afaraad ka galay Tartanka Sodonka Jis iyo Cabdirsaaq Maxamed Xirsi oo kaalinta kowaad ka galay Tartanka Shan iyo Tobanka Jis.

Munaasibad Shaahadooyinka lagu gudoonsiinayey Ardaydan, oo ka dhacday Shalay Sharaaqle Hotel, ayaa waxa ka soo qeyb galay Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda Madarisada Daarul Huda, Waalidiin, Madax dhaqameed, Salaadiin iyo Marti sharaf aad u tiro badan.

Sheekh Maxamed Ibraahim oo isagu ugu horeyn Munaasibada ka hadlay ayaa amaan balaadhan u soo jeediyey Maamulka iyo Macalimiinta Madarisada Daarul Huda, isaga oo sheegay inay soo saareen Arday xaafidul Quraan ah, waxaanu yidhi “Waxa cajiib ah in Tartankii guud ahaan ka dhacay Somaliland ee lagu qabtay Masaajidka Cali Mataan, in Ardaydii Tartankaas ka qeyb gashay, in Madaarisada Daarul Huda ay ku yeelato Saddex Ardey, taas ayaana wax weyn ah, aad iyo aadna waxa aan ugu mahadnaqaya oo aan u amanaaya Maamulka iyo Macalimiinta ku tabcay Ardaydan, aniga oo rajeeynaya inay soo saaraan Arday sidan oo kale ah, oo Xaafidul Quraan ah, waxa la bartana waxa ugu wanaagsan Quraanka”.

Sheekh Maxamed Ibraahim oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Madarisadan oo ah Madarisad ka mid ah Madarisadaha ugu wanaagsan Somaliland, isla markaana inaga oo arkayna tacabkii iyo Midhihii ay soo saareen, ayaa waxa ay Madarisadu ku jirta Kiro, waxaana dhici karta in laga saaro maruun, markaas waxa soo jeedin lahaa in Madarisadu ay yeelato dhul iyo meel u gaar ah”.

Maamulaha Madarisada Daarul Huda Xariir Faarax Ducaale, oo isna Munaasibada ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Ardaydiisi kaalmaha hore ka gasho Tartanka Quraanka Kariimka ah ee loo qabtay Guud ahaan Xufaada Gobolada Somaliland, isla markaana uu Saddex Arday ku yeesho kaalmaha hore, waxaanu sidoo kale sheegay inuu mar walba ku dadaalan inay soo saaraan Arday xaafidul Quraan ah, isla markaana tarbiyad wanaagsan leh, waxaanu yidhi “Waxaan aad ugu faraxsanahay oo aan ILLAAHAY SWT uga mahadcelinaya Saddexdan Arday ee ka mid ah Madarisadul Daarul Huda ee kaalmaha hore ka galay Tartanka Xifdiga Quraanka ee Masaajidka Cali Mataan lagu qabtay, waana ILLAAHAY mahadii, Shahaado Sharafyo ayaanu gudoonsiinaynaa si ay halkaas dadaalka uga sii wadaan, Ardayda kalena ay ku daydaan, waxaana jirta in Madarisada oo markii hore laba qeybood ahayd, ay hadda qeyb kalena ay ku soo biirtay, iyada oo maalinba maalinta ka dambaysa ay Ardaydu soo badanayso”.

Dr Cabdiqani Xuseen oo isna ku hadlaayey magaca Waalidiinta oo halkaas ka hadlay ayaa dardaaran u soo jeediyey Maamulka, Macalimiinta, Waalidka iyo Ardayda, waxaanu Maamulka iyo Macalimiinta Madarisada Daarul Huda ku dhiirigeliyey inay si joogto ah ula socdaan Ardayda, oo aanay dayicin, waxa uu Waalidiinta ugu baaqay inay Ubadkooda daba socdaan, oo hadba halka ay marayaan ogadaan, waxaanu Ardayda iyana ka codsaday in aanay is dhigan ee ay ku dadaalan sidii ay Quraanka u laasimi lahaayeen, una xifdiyi lahaayeen.

Barkhad Jaamac Xirsi oo ka mid ah La Taliyayaasha Madaxweynaha oo isna Munaasibada ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu farxay inuu arko Madarisada Daarul Huda iyo Ardaydii ay ku tacabtay oo kaalmaha hore ka galay Tartanka Xifdiga Quraanka Kariimka ah, waxaanu dhanka kale sheegay inay haboon tahay in Madarisadani ka baxdo Kirada ay ku jirto isla markaana ay yeelato Dhul iyo Goob u gaar ah oo ay Caruurta iyo Ardaydu wax ku bartaan, waxaanu balanqaaday in cidii ay arintaasi qusayso uu ula tagi doono.

Suldaan Abu Sufiyaan oo isna halkaas ka hadlay ayaa isna amaan balaadhan u soo jeediyey Maamulka iyo Madarisada Daarul Huda, waxaanu sidoo kale Madaxweyne Sillaanyo ku amaanay doorka uu ka qaatay Diinta Islaamka, waxaanu yidhi “Madarisada Daarul Huda, waa Madarisad mar walba oso saarta Arday xaafidul Quraan ah, sida Saddexdan Arday oo kale, oo ka mid ah Ardaydii ugu sareeysay Tartankii XIfdiga Quraanka Kariim ah, balse waxa aan soo jeedin lahaa sidii hore loo sheegay Madarisadan oo sii balaadhanaysa oo ku jirta Guriyo kiro ah, inay yeelato Hanti gaar ah, waxa kale oo aan Madaxweynaha Somaliland ku amaanaya Idaacada Quraanka ah ee hadh iyo habeen socota ee aynu dhagaysano iyo sida fiican ee uu uga qeyb qaatay Diinta”.

Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo Shaahadooyinka gudoonsiiyey Saddexdii Arday ee kaalmaha hore ka galay Tartanka Xifdiga Quraanka Kariimka ah oo munaasibada ka hadlay ayaa dardaaran u soo jeediyey Ardayda kala duwan ee dhigata Madarisada Daarul Huda, isaga oo u ducaayey Saddexdii Arday ee kaalmaha hore ka galay Tartankaas, waxa kale oo uu ka waramaya qiimaha uu leeyahay Quraanka iyo barashadiisu.

Waxa kale oo xusid mudan in Saddexdii Arday ee kaalmaha hore ka galay Tartanka xifdiga Quraanka Kariimka ah ee lagu qabtay Masaajidka Cali Mataan inay Munaasibadaas ka akhriyeen Quraan, iyada oo goobtaasna Maamulka Madarisada Daarul Huda ay ku bixiyeen Kutub.