Guddoomiyaha Waxbarashadda Gobolka Sanaag Oo Si Adag Iskaga Difaacay Eedo Loo Jeediyay

0
579

Picture1Ceerigaabo(Geeska)-Guddoomiyaha Waxbarashadda Gobolka Oo Wax Lala Yaabo Ku Tilmaamay Eedaymo Kaga Yimi Maamulka Jaamacadda Sanaag Guddoomiyaha Waxbarashadda Gobolka Sanaag ayaa wax lala yaabo iyo been aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay eedaymo ay u jeediyeen MaamulkaJaamacadda gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha wasaaradda Waxbarashadda Gobolka Sanaag Mr. Aniis Saalax Xaaji Xasan, waxa uu qoraal kooban oo uu kaga jawaabayo eedeha loo jeediyay ku yidhi sidan:-

Aad ayaan ula yaabay eedaymaha is burinaya ee ay warbaahinta u qaybiyeen Maamulka Jaamacadda gobolka Sanaag. Haddii aan si kooban ugan hadlo Jaamacadda Sanaag waxa si toos ah loo furay sannadkii 2011-kii,
badhsaabkii waqtigaa joogay Cali Cabdi Hurre, waxa laysla qaatay in qaadhaan loo jaro Jaamacadda2012 iyo 2013 waa loo jaray , waa la siiyay lacagtii qaadhaanka waxa lagu shubay account xisaabeedkeeda.

Markaa kadib waxa soo baxday qaadhaanka wadada Ceergaabo, waxaana laysla qaatay in laba lacagood aan laga jari Karin Macalinka.  Sidaa awgeed waxa halkaa ku istaagtay lacagtii Jaamacadda Ceergaabo hore loogu jarayay, waxaana qaadhaanka loo duway wadada Ceergaabo, waana arrin qaran masuuliyiinta ilaa heer wasiir laysla qaatay,  waxaana la bilaabay qaadhaanka wadada iyadoo  laga jarayo  maclinka derejada  A 49, 000 s/sh Macalinka derejada B 35, 000 s/sh. Sidoo kale arrintaa wadada waxa qaadhaankeeda ka qayb qaatay Ardayda
oo mid walba 1dolar sadex bilood laga qaadayay. sidii hawshaa looga qaybqaatayna warbaahinta waa lagala socday oo maaha wax muran ku jiro.

Sideedaba ma jirto Jaamacad ku taal Somaliland  oo lacag looga jaro shaqaale iyo macalin midna, Gobolka waxa laga furay Jaamacad kale, wasaaradda Waxbaarashadu labadaa Jaamacadood Sanaag iyo  Jaamacadda
Badhan waxay siisaa mid walba sanadkii 150,000, 000 s/sh( boqol iyo
konton milyan), jaamacadda Badhan waxay soo celisay xisaab celin sax ah, balse Jaamacadda Sanaag oo lacagtaa  qaadata waxa u dheer lacagta ay ka hesho debedaha oo bishii $ 1,000 bishii ka hesha, $ 2,000  laba
kun oo dollarna waxay ka heshaa shaqaalaha gobolka, waxaana nasiibdaro ah in wax xisaab celin ah laga waayay maamulka Jaamacadda, isla markaana ay sheegteen in deyn lagu leeyahay oo ay usoo gudbiyeen
Badhasaabka cusub in lagu leeyahay $ 21,000, oo dolar oo dayn ah.

Jaamacadda Sanaag wax ka muuqata maamulxumo, tusaale ahaan waxa dhigta 120, Arday waxa wax ka dhiga oo Macalimiin ugu qoran Jaamacadda 37 macalin, waxa halkaa ka cad in Ardayda dhigata iyo macalimiintu kala
badan yihiin marka loo eego dhinaca maamulka iyo nidaamka waxbarashadda.

Maamulka Jaamacaddu qoraalkooda eedda ah, waxay ku sheegeen in aan si toos ah u diiday qaadhaanka Jaamacadda ee halka Doollar ah ee laga jaro shaqaalaha waxbarashada gobolka, haddana waxay sheegeen in aan
lacagtii jeebka ku shubtay, waxay markaa su’aasha meesha taalaa noqonay goorma ayay run sheegayaan.

Gebagebadii waxan usoo jeedinayaa Maamulka Jaamacadda in ay isa saxaan oo maamulkooda hagaajiyaan si ay ula tartanto Jaamacaddu jaamacaddaha kale ee dalka, ama ay xilka iska wareejiyaan inta aanay jaamacaddu u
ekaan meel laga barto xasadka iyo maamul xumadda.” Ayuu ku yidhi qoraalkiisa Gudoomiyaha Waxbarashadda Gobolka Sanaag Aniis Saalax.