Nuxurka Kulan Dhex Maray Saddexda Xisbi Iyo Guddiga Doorashooyinka

0
524

Hargeysa(Geeska) Hoggaamiyayaasha xisbiga siyaasada Somaliland ayaa shalay kulan la qaatay guddida doorasooyinka qaranka.
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta guddida doorashooyinka ee magaalada Hargeysa ayaa lagaga hadlay arimo la xidhiidha doorashooyinka iyo sida ay u socdaan hawlaha guddida ugu diyaar garoobayso in doorashadu ku dhacdo wakhtigii loogu tala galay.

1

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay kulanka ay la yeesheen guddida doorashooyinka somaliland ayaa waxa uu yidhi “Maanta kulankan aanu yeelanay waxa uu ahaa kii caadiga ahaa, hadyo goorna wada tashi ayaa naga dhaxeeya guddida doorashada warbixintii u dambaysay  ayey na siinayeen aad ayaanay u wanaagsan yihiin arimuhu wax ka qabyo ahina ma jiraan, jadwalkoodii ayaanay ku socdaan, anaguna waanu barbar taaganahay wixii dhibaato ah ee ka hor yimaadana waanu iskaga imanaynaa intaas ayuu kulankayagu la xidhiidhay waxaanan ku balanay in kulan dhakhso ah layskaga yimaado kolba wixii soo kordha.”

Sidoo kale gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ahna murashaxa xisbigaas Muuse Biixi Cabdi oo isaguna ka hadlay kulanka ay la qaateen guddida doorashada ayaa yidhi “Guddida doorashadu warbixintii ay na siiyeen waxay sheegeen inay hawlahoodu ku socdaan jadwalkii oo ay hada bilaabayaan daabacadii kaadhadhka, marka ay dhameeyana ay u qaybinayaan gobolada oo ay marba laba gobol is raacinayaan, waxay noo sheegeen in doorashadu aanay wakhtigeedii dhaq dhaqaaq lahayn oo ay halkeedii  tahay, waxay noo sheegeen in doorashadu qorshaysan tahay wakhtigeedii hawshuna meel fiican marayso  oo aanu wax warwar ahi jirin anaguna waanu garab taaganahay ilaahayna wax dhibaato ah inaguma keeno.”

Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cismaan Afgaab ayaa dhinaciisa ka hadlay kulanka ay la qaateen guddida doorashada waxaanu yidhi “sida ay sheegeen guddida doorashadu,  xisbiyada waa loo yeedhaa mar kasta oo shaqo xidhmayso ama shaqo bilaabmayso, waxaanu la wadaagaa shaqada markaa soconayso, sidaas darteed guddida doorashadu waxay sheegeen in jadwalku sidiisii yahay hawshuna ay sideedii ku soconayso kaadhadhka daabacaadooduna ay hada bilaabmayso markaa wuxuun bay ahayd inay xogtaan na soo gaadhsiiyaan xisbiyaduna way la qaateen.”