Hargeysa: Dhallinyaro Si Weyn U Taageertay Hadalkii Suldaan Aadan

0
666

Hargeysa (Geeska) Kulan ay dhalinyarada Beesha Abokor Muuse ee Ciidagale iskugu yimaadeen magaalada Hargeysa ayaa waxa ay ku sheegeen inay taageeradii kala noqdeen Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisa, waxaana ay taageero u muujiyeen hadal shalay kasoo yeedhay Suldaan Aadan Faarax Cumar oo kamid ah salaadiinta Somaliland.

1

Kulanka ay dhalinyaradu iskugu timid kaddib ayaa waxa shir jaraa’id qabtay qaar ka mid ahaa dhalinyaradaasi, kuwaasi oo warbaahinta la hadlay isla markaana sheegay inay si buuxda taageeradii ugala noqdeen xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisa.

Dhalinyarada shirkaasi jaraa’id ka hadashay ayaa waxa kamid ahaa; Axmed Maxamed Faarax (Shimbir) iyo Garyaqaan Keyse Koosaar, iyagoo sheegay in xukuumadda Kulmiye ay gebi ahaanba ku gacan saydheen isla markaana ay aayahooda ka tashan doonaan.

Kulankan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli dhawaan uu madaxweyne Silaanyo isku shaandhayn ku sameeyay xukuumaddiisa, iyadoona Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud Dhago-wayne oo loo magacaabay wasiir ku-xigeenka kalluumaysiga isla markaana ay isku beel yihiin dhalinyaradani uu is calisay.

Ugu dambeyntii, Suldaan Aadan Faarax Cumar oo kamid ah Salaadiinta dhaqanka Somaliland ayaa shalay sheegay in dadka uu Suldaanka u yahay ay aayahooda ka tashadaan.