Guddiga Doorashooyinka Oo Ku Adkaysanaya Inay Doorashada Wakhtigeeda Ku Qabanayaan

0
561

Hargeysa(Geeska)-Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa mar kale ku celiyay inay doorashada madaxtooyadu wakhtigeeda ku dhici doonto, iyagoo iska difaacay eedaha shacabka qaarkii u jeediyaan ee ah inay yihiin guddi fadhiid ah.

1

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo u waramay weriye Badri Koosaar oo ka tirsan Star TV, wuxuu sheegay inay farsamo ahaan diyaariyeen jawigii ay doorashadu ku qabsoomi lahayd, “Farsamo ahaan annaga qorshahayagu waa halkiisii  waanan wadnaa farsamadii lagu gaadhayay  doorashadii madaxweynaha ee 2017 mid xor ah oo xalaalana Alle ha inooga dhigo” ayuu yidhi Cabdiqaadir Iimaan, waxaanu isagoo ka hadlaya abaaraha dalka ka jiraa inay doorashada dib u dhigi karaan uu yidhi “Annagu dadka ayuun baanu ka mid nahay farsamo ahaanu waanu qabanaynaa ayaanu idin nidhi abaartana Alle ha inaga soo jabiyee waa arrin u taala heer qaran, laakiin farsamadii loo igmaday guddiga doorashada qaranka, shaqadiisii la odhan maayo isagu wuu gabay ama wuu ka baxay, waanu u taagananay shaqadii.”

Mar la weydiiyay bal waxa ay iskaga difaacayaan eedaha dadka qaarkii u jeediyaan ee ah inay yihiin guddigii doorashado ee ugu fadhiidsanayd ee dalka soo martay wuxuu guddoomiyuhu yidhi  “Waxaanu iskaga difaacaynaa ishaa macalin ah, annagu labadaas sannadood ee aanu hadda joognay wax badan ayaanu qabanay haddii aan la is indho tirayn, shaqadan aanu qabanay ee diiwaangelinta ee lixda bilood inoo socotay waa wadankii u horeeyay ee qabta diiwaangelin ish bu’deeda  la sawirayo adduunka, markaas taas mala odhan karaa komishan jilicsan ayaa qabtay ama xubno ka mid ahi jilicsanyihiin.”