Nuxurka Kulan Dhex Maray Guddiga Doorashooyinka Iyo Saddexda Xisbi Qaran Iyo Natiijada Ka Soo Baxday

0
651

Picture2Hargeysa (Geeska)-Saddexda Xisbi ee Somaliland iyo Komishiinka Doorashooyinka ayaa  kulan Albaabadu u xidhan yihiin oo Shalay ay ku yeesheen Xarunta Komishanka Doorashooyinka, ayaa waxa ay kaga wada hadleen hawlaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta cod bixiyayaasha.

 Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro),oo isagu ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa ka waramay waxyaabaha uu ku saabsanaa kulanka ay yeesheen Komshinka Doorashooyinka iyo Saddexda Xisbi Qaran, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Axsaabta Qaranka Komishanka ayaa  u yeedhay si uu warbixin uga siiyo halka ay marayaan hawlihii Diiwangelintu, waxaad la socoteen in la qaaday tijaabo bishii lixaad, tijabadaasna waa lagu guulaystay, sida uu Komishanku warbixinta nagu siiyeena hawsha boqolkiiba boqol waa lagu guulaystay, hawsha intii ka hadhsanayd ayaa la geli doona si Diiwaangelintii loo bilaabo, oo ay ka mid tahay qabyo tirka wixii xeerka ka qabyo ah haddii  ILLAAHAY ka dhigo, wixii farsamo ahaana, Guddi ka socda Axsaabta Qaranka ayaa Beri (Maanta), isku iman doona, si wixii farsamo ah iskula eegaan, markaas waxa aanu kalsooni buuxda ka qabnaa oo Komishankuna na siiyeen in hawshii Komishanku meel fiican marayo, bilaami doontana marka hawsha farsamo dhammaadaan”.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, oo isna halkaas ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in hawsha Diiwaangelintu dhammaad ku dhawdahay, waxaanu tilmaamay inay muhiim tahay in la qabto Doorashooyinka si dalku uga badbaado dagaal, waxaanu yidhi “Waxa Maanta (Shalay), xog waran nalaga siinayey halka ay marayso arimihii Diiwaangelinta iyo Tijaabadii la qaaday Bishii Juun, marka aad iyo aad ayaan ugu farxsan nahay dadaalka ay muujiyeen Komishanku, halka farsamo ahaan,xaqa ay iyagu qaabilsanayeen, Nidaamkii aynu qaadanay ee IRRS Tijaabadi ay noo soo sameeyeen Boqolkiiba Sagaal iyo Sagashan (99%), aad iyo aad ayuu u fiican yahay, waa nidaam lagu dhiirankaro,oo lagu hawl gali karo ayey noo noqotay, aad iyo aadna waan u bogaadinaynaa hawsha ay qabteen, waxa ay hawshu ku hadhay Xukuumadda, ama ha ahaato Fulinta ama Xeer dejinta Barlamaanka, hawlahaas ayaa hadhsan, laakiin hawlihii farsamada ee Komishanka si fiican ayey u socdaan, waana ku kalsoonahay Nidaamkan, waana uga mahadnaqaynaa dadaalka ay muujiyeen”.

Guddoomiyaha UCID oo su’aal ku saabsan in Axsaabta Mucaaradku ay doonayaan inay soo horumarto Doorashada Madaxtooyadu ayaa ku jawaabay “Arintaasi waa arimaha laga shiri doono haddii ILLAAHAY yidhaahdo, waxa aanu jecel ahay sidii caadadu ahaan jirtay in Madaxtooyadu gogosha fidiso, arimaha taagan ee la xidhiidha Doorashooyinka in aanu mid mid isku dul taagnaa, marka Saddexda Xisbi ku heshiiyaan, ayaa soo bixii doona, in aanu hadda ka hor dhacno maaha, waa la yidhi iska dhaafa, marka aanu shirno wixii ka soo baxa ayaanu ku dhaqmi doonaa”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo ka hadlaya kulan ay la yeesheen Madaxda Urur Goboleedka IGAD iyo khatarta ay yeelan karto in muddo kordhin la  sameeyo ayaa yidhi “Ururka IGAD waanu la  kulanay, Shir gudoonku uu la kulmay, Baarlamaankuna uu la kulmay, anagu UCID ahaana waanu la kulanay, waxa ay nagu  dhiirigelinayaan inaanu qabsano Doorashooyinkii, waana danteena, mana aha in danteena la inagu maslaxo, haddii aanay Doorashooyin dhicin dalku fowdu ayuu galaya, oo waxa aynu ku noqonaynaa 2009-kii, walibana doorkan Adduunku uu inaga jeeda oo  cid ina kala qabanaysaa ma jirto, markaas waa inaynu inagu tashanaa, oo aynu caqli fiican keenaa, oo la iska dhaafa Nin jeclaysiga iyo Xisbi jeclaysiga oo danta guud laga fikira, waana arinta aanu jecel ahnay in Saddexda Xisbi iyo Xukuumadduba ka wada shaqayaan, oo aynu arimaheena dhammaysanaa”.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel) oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Warbixin ididiilo iyo rajo leh ayey Komishanku na siiyeen, hawsha ay qabteena waxa aan u aragnay inay meel wanaagsan marayso”.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel ayaa sidoo kale dardaraan iyo talooyin u soo jeediyey Saxaafada, oo uu ugu baaqay inay iska hubsadaan kana fiirsandaan, wararka ay baahinay.