Waa qayb kale oo ka mid ah qormooyinkii aynu ku xusaynay nuxurka buugga “Geeddigaygii Shakiga aan kaga guuray ee Iimaanka ugu guuray” oo uu qoray Alle ha u naxariisto ee Mustafe Maxamuud. Sida aynu hore u soo xusnay Qoraagu muddo soddon sano ah ayaa uu aaminsanaa aragtiyaha ilxaadka iyo diidista jiritaanka Alle, kuna doodayey in adduunyadu ay tahay wax dabeecaddu jirsiisay uun, laakiin markii dambe waxa uu soo taabtay xaqiiqada ah in aanay adduunyada sidaas u kala socota aanay Ilaah la’aan ahayn. Waxa aanu qoray buugaag badan oo uu dhinaca xaqa ugu soo jeestay isaga oo sida oo kalana sameeyey barnaamij Talefishan oo lagu magacaabo ‘Sayniska iyo Iimaanka’. Waxa aanu dhisay masjid magaciisa loo bixiyey.
Hal-ku-dhegyo muhiim ah oo kitaabka ku jira
Si ka duwan sidii aynu buugaagtii hore u soo koobnay, qormadan waxa aynu ku eegaynaa dhowr hadal oo uu qoraagu buuggiisa ku ku dhigay, kuwaas oo macno buuxa innaga siinaya nuxurka guud ahaan buuggani xambaarsan yahay.
- Cibaadadu waxa ay ku bilaabataa garashada Alle iyo meeqaamkiisa sare, garashada Allana waxa ay ku bilaabataa garwaaqsiga waxa ay tahay naftu iyo sida uu meeqaamkeedu u hooseeyo.
- Haddii aynu mararka qaarkood garan weyno xikmadda Alle ee ku jirta ‘Ciqaabta’ (Uu ciqaabayo dadka gefa).. sababtu waa in aynaan garan Karin wax kasta, fahamkeenuna aanu wax kasta gaadhsiisnayn. Waxa keliya ee aynu nolosha ka fahansannahayna waa marxaladda kooban ee lagu magacaabo ‘Adduunyada’.. laakiin wixii ka horreeyey iyo waxa ka dambeeyaaba waxa uu inoo yahay wax innaga maqan oo la innaga qariyey.. sidaa wgeed waxaa waajib ah in aynu aamusno si ixtiraam lehna u dhegeysanno Cadaabta Alle inooga warramayo innaga oo aan xukunno iska gaadhayn.
- Salaadda khushuuc nafta ah oo keliyi kuma filna, waxa se lama huraan ah in jidhku khushuucdaas muujiyo, sida oo kalana rukuucda iyo sujuudda. Salaadda Islaamku waa calaamad muujinaysa midnimadaas ah in aanay kala hadhi Karin jidhka iyo ruuxdu, Ruuxdu waa ay khushuucaysaa, carrabku waa uu digriyayaa, jidhkuna waa uu rukuucayaa.
- Alle aadamaha ayaa uu u soo dejiyey adduunyada, si uu qofku u garto naftiisa, garashada naftiisuna ay ugu hagto garashada Rabbigii, kaddibna uu caabudo, oo jeclaado. Sidaasna uu ku mutaysto jacaylka Alle iyo deeqdiisa.
Cibaadadaas ayaa uu Alle inoo abuuray, ujeedada ugu dambaysaa waa in uu ina jeclaado, deeqdiisa ina siiyo. Waxa uu inoo imtixaanaana waa in uu innaga baraarujiyo habowga iyo Illowga, si aynu dib ugu noqonno kaddibna u mutaysanno jacaylkiisa. Dhammaad