Caadooyinka Ramadaanta Ee Turkida

0
592

Caadooyinka fiican ee ay dadka Turkidu leeyihiin xilliga ramadaanta lagu jiraa waa ay badan yihiin.  Waxaa se ugu xiiso badan caado ay ka dhaxleen dawladdii Cusmaaniyiinta oo lagu magacaabo, ‘La wareegista buugaagta deymaha’. Dawladda hoose ee degmada ama tuulaha, maamulka gobalka ama dawladda dhexe ayaa dhammaan meheradaha iibiya badeecadaha aasaasiga u ah nolosha, sida raashinka waxa ay ka soo ururinaysaa buugaagta ay deymaha macaamiishu ku qoranyihiin.

Kaddib buugaagtaas deymaha ku qoran ayaa la xisaabinayaa, dawladda ayaana bixinaysa, iyada oo dadkii deynta lagu lahaana lagu wargelinayo.

Toddobaadkan ayaa masuuliyiinta degmada Qaasi Cantaab oo ka tirsan gobalka Koonfurta Bari ee Anadool ee dalka Turkiga, waxa ay sidii caadada u ahayd la wareegeen wejiga koowaad ee buugaagtii deymaha meheradaha magaalada. 200 oo meheradaha raashinka, booshariyada iyo. Dukaamada badeecadaha aasaasiga ah iibiya ayaa laga ururiyey buugaagtii deynta, si loo siiyo lacagta ku qoran oo isu geynteedu ay noqotay 279 kun iyo 500 oo doolarka Maraykanka ah.

Mashruucan oo sii soconaya illaa meheradaha oo dhan la gaadho waxaa bixinta deynta iyaguna taageera oo deymaha bixiya dadka samafalayaalka ah iyo maalqabeenka.

Caadooyinka kalana waxaa ka mid ah:

  1. Caadooyinka kale ee Turkida waxaa ka mid ah in minaaradaha masaajidda magaalooyinka qaar lagu xidho qoraallo ifaya oo 30 ka ramadaan maalin kasta hal ku dheg iyo ereyo cusub oo ramadaanta khuseeyaa ku qormayaan.
  2. Caadooyinka hadda COVID-19 baajiyey ee jiri jiray waxaa ka mid ah afur wadareeddo ay dawladdu ku qabato beeraha loo laydhsiga tago iyo shaaracyada oo ay kumannaan dad ahi ka soo qaybgalaan.
  3. Waxaa iyaduna xiiso leh muddada bisha ramadaan lagu jiro, habeenkii marka xilliga suxuurtu soo dhowaado in ay xaafadaha dhex wareegaan rag mid mid u socda oo durbaanno dhawaq si dhegtu jeclaysanayso u tumaya mararka qaarkoodna heeso qaadaya, si ay dadka ugu toosiyaan suxuurta.