Madaxweyne Siilaanyo oo khudbadii uu xalay jeediyay aan ku soo hadal qaadin loolanka KULMIYE iyo murashaxnimadiisa

0
492

Picture8Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa khudbadii la wada sugayay ee uu xalay ka jeediyay magaalada London gebi ahaanba aan ku soo hadal qaadin loolanka adag ee ka taagan xisbiga KULMIYE, kaas oo saamayn ku yeeshay nidaamka dawladnimo.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu khudbadiisa oo ahayd afar daqiiqo kaga hadlay socdaalkii uu ku tegay wadanka Ireland iyo masuuliyiintii uu halkaas kula kulmay. Madaxweyne Siilaanyo wuxuu tacsi u diray qoysaskii ay ka geeriyoodeen carruurtii ku geeriyooday magaalada Borama, sidoo kalena wuxuu tacsi u diray arday dhawaan ku geeriyooday badda Berbera.

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ka hadlay doorashooyinka qabsoomaya sannadka 2017, waxaanu ka digay in tartanka doorashooyinku uu bulshada kala qaybiyo.  “Waxaan ku dedaali doonaa sidii doorashooyinku dalkoo dhan uga qabsoomi lahaayeen degmooyinka aan doorashoyinkii hore si fiican uga qayb gelina waxaanu ugu baaqaynaa maanta inay si fiican uga qayb galaan. Waxa inagu waajib ah inaynu midnimadeena iyo wada jirkeena adkayno oo aynu ku dedaalno xoojinta nabadgelyada, tartanka doorashooyinku inaanu dhexeena ka abuurin tafaraaruq.” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Ugu dambayn Madaxweyne Siilaanyo oo ay bulshadu sugaysay inuu ka hadlo loolanka ka taagan xisbiga KULMIYE iyo inuu ka tanaasulay murashaxnimada xisbiga KULMIYE iyo inaanu tanaasulin.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa inuu dalka soo gaadho Isniinta beri haddii Alle idmo.