Nuxurka Heshiis Ka Kooban 15 Qodob Oo Dhex Maray Xisbiga Waddani iyo Isbahaysiga

0
487

Hargeysa(Geeska)- Wasiirkii hore ee cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid, ayaa munaasibadii shalay ee heshiiskii Waddani iyo isbahaysiga ku soo bandhigay heshiis ka kooban 15 qodob.

1

Heshiiska oo uu akhriyay Xuseen Axmed Caydiid ayaa ka kooban qodobadan hoos ku qoran

1. Ilaalinta iyo ku dhaqanka shareecada islaamka, distoorka, shuruucda kale ee dalka, xeerarka xisbiga iyo ilaalinta qaranimada Somaliland

2. Ka badbaadinta dalka hoggaan xumo ay sababto talo maroorsi iyo keli talisnimo u horseedi kara dalkan iyo dadkiisaba dib u dhac iyo burbur

3. Dhisidda nidaam dawladeed oo ka caagan musuq, qabyaalad, maamul xumo oo lagu xaqiijiyo wada tashi, wax wada qabsi iyo cadaalad si loo gaadhsiiyo umadda himilada ay hiigsanaysay, sida qarnaimo buuxda, amni iyo cadaalad.

4. Xaq dhawrista wada lahaanshaha xisbiga iyo ka wada tashiga arrimihiisa, iyadoo la dhawrayo xeerark axisbiga

5. ku dhaqanka mabaa’diida wada tashiga, maamul wanaaga, dhawrista awoodaha sharci dejinta, garsoorka iyo fulinta kuwaas oo ku salaysan nidaamka dimuqraadiyadda ee aan ka horimanayn shareecada islaamka iyo dhaqanka.

6. ilaalinta hantida qaranka nooc kasta oo ay tahay iyo awood siinta hay’adaha u xilsaaran ilaalintooda, si loola xisaabtamo cid kasta oo ugu takri fasha sifo aan sharci ahayn

7. Kobcinta iyo horumarinta xisbiyada qaranka iyo ka ilaalinta farogelin kasta oo carqaladayn karta koritaankooda si dalku uga gudbo nidaamka qabaliga ah

8. Dhawrista xilliyada doorashooyinka ee shuruucda dalku mudaysay iyo qabyo tirka arrin kasta oo sababi karta dib u dhacooda, iyadoo ay reebtanay korodhsiimo ku timaada damac siyaasadeed

9. Dhawrista Xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyaadka lama taabtaanka ah ee qofka ee distoorku jideeyay iyo horumarinta hay’adaha u adeegaya

10. Horumarinta saxaafadda iyo xaq dhawrista xorriyadeeda iyadoo wax ka qabashada gafafka lagu galo saxaafadda loo raaci doono nidaamka habka madaniga ah iyo xeerarka saxaafadda, wixii qabyo ka ah xeerarkaasna la qabyo tiri doono

11. Dib u habaynta hay’adaha xukuumadda, sida wasaaradaha iyo hay’adaha madaxabanaan iyadoo lagu salaynayo baahida qaranka, tashiilida dhaqaalaha qaranka iyo inay noqdaan kuwo si dhab ah ugu habaysan u adeegista bulshada

12. Horumarinta madaxbanaanida hay’adaha garsoorka iyo h ay’adda dawladda ee madaxbanaan si adeegyada ay u bixinayaan noqdaan kuwo tayo leh kuna salaysan cadaalad

13. Dardargelinta maamul fidinta, maamul daadejinta, kala xadaynta maamul ahaaneed ee gobalada iyo degmooyinka, xaqiijinta cadalaad u qaybinta midhaha dawladnimo, saami qaybsiga baarlamaanka iyo tixgelinta tabashoyinka gobalada Sool, sanaag-bari iyo Buuhoodle

14. Iyadoo laga duulayo tabashooyinkii is daba jooga ahaa iyo qabyada ka muuqata distoorka dalka in la furo distoorka, laguna sameeyo wax ka bedel iyo kaabis

15. Ka qayb qaadashada adkaynta nabadgelyada iyo xasiloonida gobalka iyo horumarinta xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland la leedahay dalalka jaarka, kuwa caalamka, hay’adaha Qaramada Midoobay, ururada caalamiga ah iyo ka fogaanshaha wax kasta oo xidhiidhkaas wax u dhimi kara.