Sidee Ayay U Dhacday Doodii Hillary Clinton Iyo Donald Trump?

0
504

Habeenkii hore waxaa doodii labaad oo Malaayiin qof daawanayaan isugu yimid Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump iyo Musharaxa kale ee Xisbiga Dimoqraadiga Hillary Clinton.

1

Intii lagu guda jiray dooddii labaad ee madaxweyne oo ay la yeelatay Donald Trump, ayaa Hillary Clinton waxa ay sheegtay in marnaba ciidamo dhulka ka dagaalama aanay  u diri doonin dalka Syria, taasi oo ay sheegtay inay tahay xeelad aan wanaagsaneyn.

Waxa ay xaaladda magaalada Aleppo ku sheegtay mid masiibo ah, islamarkaana Russia ay go’aan ku gaartay inay burburiso, si ay xukunka ugu sii hayso Bashar Al-Assad.

Trump ayaa waxa uu sheegay in ninka uu u doortay inuu madaxweyne ku xigeen u noqdo ee Mike Pence ku raacsaneyn in la duqeeyo bartilmaameedyada dowladda Syria.

Trump ayaa dhinaca kale cudur daar ka bixiyey hadallo uu ku aflgaadeeyey haweenka oo laga maqlay cajalad jimcihii la baahiyey oo la duubay sanaddii 2005, waxaana uu sheegay inuu dareemayo ceeb.

Clinton ayaa sheegtay in musharaxiintii hore ee Jamhuuriga laga yaabay inaanay  ku raacsaneyn siyaasadooda, in markan ay tahay markii ugu horreysay ee ay su’aal ka keento ku haboonaanshaha musharax ee ah inuu dalka hogaamiyo, waxayna sheegtay in Trump aanu lahayn degenaan uu dalka ku maamulo.

Donald Trump oo in badan ka leexanaayey su’aalaha la weydiinayey oo 2 daqiiqo ee uu haysto isku dayaayey in uu weerar ku qaado Hillary Clinton, ayaa la weydiiyey in uu haweenka ceebeeyay  kadib markii uu sheegay in aanu iska qaban karin oo dhunkasho ku bilaabo kuwa soo jiita, ayaa sheegay in hadalkaas uu ka yidhi goob xidhan oo ay ahayd hadal gaar ah oo ay qof wada sheekaysanayeen, waxaana uu ku tilmaamey in ay ahayd hadal keliya oo uu aad uga xunyahay, Hillary Clinton oo ka faa’ideysaneysa ayaa sheegtey in ay hadal ka weynedy oo ay ahayd mid muujineysa qofka uu yahay Donaland Trump.

 

Trump ayaa goobtii doodu ka dhacaysey ku casumey saddex haween ah oo sheegta in ay dhibane u yihiin Bill Clinton kuwaas oo uu kufsadey mudaddii u dhexeysey 1979-1991, waxana uu sheegay in isaga wixiisi hadal yihiin laakiin haweenka cidda xumeysey oo bahdishey ay yihiin Bill Clinton iyo Hillary oo ku difaacdey.

Donald Trump ayaa sidoo kale ku weeraray Hillary Clinton in aanay daacad ahayn oo markii ay ahayd Xoghayaha Arrimaha Dibadda ay isticmaashey Server gaar ah oo iyadu leedahay, kadibna ay masaxdey 33000 oo fariimo ah, hadalka ayuuba sii fogeeyey oo uu yidhi “Haddii la i doorto oo aan noqdo Madaxweynaha Maraykanka, waxaan kuu sameyn dacwad ooge gaar ah oo ku daba gala adiga iyo beenta aad samaysey, waxaadna fadhiyi  doontaa Xabsi.”

Waa markii u horeysey ee taariikhda Maraykanka Musharax uu mid kale ugu hanjabo in uu dacweyn doono, kadibna uu xabsi mudan doono.

Dooda oo ahayd mid aad u adag ayaa dadka badankood sheegayaan inkastoo Hillary Clinton ay xooggaa ugu horaysay haddana  in aanu jirin musharax si weyn u guuleystey, waxaase la isku raacsan yahay in Donald Trump uu ka wanaagsanaa doodii tan ka horeysey oo uu u diyaar garoobey, marka la eego sida uu difaaca u geliyey Hillary.

Hillary Clinton ayaa iyadu haysata khibrad ku filan oo ay Madaxweyne ku noqoto, nasiibdarada haysata ayaa ah in badan oo kamid ah ah shacabku ma aaminsana waxayna u arkaan qof aan la aamini karin, taas oo keeni karta in qaar badan oo kamid ah kuwii u codeyn jirey Dimoqraadigu ay u codeeyaan odayga siyaasadda ku cusub Donald Trump.