Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Booqday Warshadda Waddooyinka Ee Dawladda Hoose

0
612

Hargeysa(Geeska)-Ku simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo hogaaminaya xubnaha golihiisa wasiiradda ah iyo Maayarka Caasimadda Hargeysa, ayaa shalay kormeer ku tagay xarunta guud ee warshadda Wadooyinka ee Dawladda hoose iyo wadooyinka cusub ee casriga ah ee ay ka soo wadaan dhinaca Galbeed ee Buurta kala keex ee magaaladda Hargeya.

1

Ku simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Saylici waxa kormeerkiisa la socday wasiirka warfaafinta, wasiirka arrimaha gudaha, wasiirudawlaha arrimaha Dibadda, wasiirudawlaha Biyaha, Maayarka Caasimadda xidlhibaanadda golaha deegaanka iyo masuuliyiin kale oo badan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa warbixino kala duwan laga siiyey warshadan wadooyinka  iyo qaabka au shaqayso taas oo shaqo balaadhani ka socotay, waxaanu  si qushuuci ku jirto ku amaanay hawshan baaxadda leh ee dawlada hoose ee Hargeysi dusha u riday, taas oo wax weyn ka tari doonta horumarinta iyo bilicda caasimadda Hargeysa iyo wadooyin casri ah oo laga hirgaliyo caasimadda.

Ugu horeyn waxa madaxweynaha warbixin ka siiyey xildhibaan Cabdicasiis Sisto oo ah xildhibaanka golaha deegaanka u qaabilsan xaruntan, waxaanu sheegay in muddo sideed bilood ah ku jireen isku xidhka iyo rakibaadda warshadan iyo wax soo saarkeeddii oo hadda bilaabantay .

Xidlhibaan Cabdicasiis Sisto oo arrimahaasi ka hadlay waxa uu yidhi “ waxaanu ku faraxsanahay in aanu qalabkii dhaqaajinay,maalin baanu halkan joognay ay shay waliba wasladiba meel taalo waslidiba gaadhi saarnayd, rag ayaa ku tabcay oo injineero ah oo uu kow ka yahay Eng:Baashe Sulub, waa ninka hawshan badankeedda noo suurogaliyey, anga laftigaygu golaha deegaanka aniga warshadan uga masuul ah oo hawsha la shaqaynayey muddo sideed bilood ah, sideeddaas bilood dhibaato badan ayaa naga soo gaadhay,  maanta waxay maraysaa halkii ugu wanaagsayd, waxaana noo suurogashay in aanu wadaddan imika aanu wadno ku bilowno, marka hore wadaddan xarunta soo galaysa ayaanu ku tijaabinay, marka tan dhamaynana waxaanu u guuraynaa wadadda Madaarka”

Ka dib markii ay weftigani soo kormeereen warshadan iyo siday u shaqaynayso waxay soo mareen jidka cusub ay hadda waddo oo ka soo bilaabmay Kaantaroolkii hore ee galbeedka oo ay hadda marayaan Buurta kala jeex, waxaana halkaasi uga war bixiyey Maayarka Caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, waxaanu sheegay in warshadan kicinteedda ay culayska saareen, isla markaana hawlihii oo dhan u hakiyeen kicinta iyo dhaqaajinta warshadan cusub.

Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Soltelko oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “mudana madaxweyne sida soo aragtay warshaddii oo shaqaynaya iyo imika oo aanu taaganahy wadadii galbeedka oo aanu ka soo bilownay shaqadda, run ahaantii waxa na haysta culays aad u weyn, maanta oo bishu bishu marayso tobankii bisha Octobar waxaanu tacabkii galinay warshadan iyo sidii ay u shaqayn lahayd, anaga iyo shaqaaluhuba waxay u dhabar adeegaynaa sidii hawsha qaranka ee mudadda dheer la sugayey loo dhamaystiri lahaa, halkani waa laba kilo mitir iyo badh, waxaanu samaynay Kilomtir iyo laba boqol ayaa la shubay, killo mitir iyo saddex boqolna way hadheen, markay sidaas u dhamaato waxaanu rajaynayaa in maalinta Sabtidda ama Axadda bilowno wadaddii Madaarka Hargeysa tagaysay,waxa iyaguna garab socda laba kooxood oo kale oo iyaguna samaynaya kabkabkii , sideedda bilood ee aanu warshaddan ku mashquulnay in badan ayey wadooyinkii wax noqdeen, anaguna waxaanu culayska saaraynay inta kolba wax yar kabkabaysid in aanu wax weyn oo magaaladu ku faanto oo waxtar weyn u ah samayno, tii uun baanu taladeedda ku jirnaa, ganacsatadda waxaan leeyahay waad aragtaan waxaanu qabanaye, il naxariisle ku soo eega magaaladiina, magaaladana waa ta lacagta ka hesheen waa ta hantidda ka hesheen waa ta guryaha ka dhisateen, wadadduna waa ta ubadkiinu iyo idinkuba aad maraysaan “

Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta Cismaan Cadaani oo isna halkaasi ka hadlay ayaa maayarka ka codsaday marka la dhameeyo wadooyinka inay u gurmadaan wadadda Ceerigaabo isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi  “ madaxweyne maayarka iyo golaha deegaanka ee inala joogaana waxay sameeyeen wax qaranka iyo Somaliland oo dhan qiimo leh oo aynu soo aragnay, wadadda Madaarka ee ay bilaabayaana umadda oo dhan way ku faraxsan yihiin wayna sugaynaa, marka wadadasi dhamaato Araajiyaddu way badan tahee qoladii Ceerigaabo waxay leeyihiin waanu idin  sugaynaa, mar haddii wax qiimo badan dalkii ku soo kordhiseen, aad iyo aad baan idinku bogaadinayaa”

Wasiirka Arrimaha Gudaha Yaasiin Farotoon ayaa isna aad usoo dhoweeyey warshadan cusub, isla markaana ganacsatadda ka codsaday inay la shaqeeyaan oo gacan xoog leh siiyaan dawladda hoose ee Hargeysa, waxaanu yidhi  “ aad iyo aad baan u bogaadinayaa golaha deegaanka iyo Maayarka Hargeysa waxay qabteen, intaas waxaan ku darayaa caalamka inta badan waxa adeegyadda fuliyaa ee qalabyaddan oo kale isticmalaa waa shirkadda gaarka loo leeayahay waxaan ugu baaqayaa ganacstadda iyo maalqabeenka Somaliland inay hawshan kala qaybqaataan dawladaha hoose, iyo wasaaradaha ku hawlan dib u dhiska wadooyinka “

Ku simaha madaxweynaha, ahna madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa maayarka Caasimadda iyo golaha deegaanka Hargeysa ku amaanay qalabkan qiimaha badan ee ay caasimadda ku soo kordhiyeen, waxaanu dadweynaha usoo jeediyey inay cashuurta bixiyaan, isla markaana ka qaybqaataan horumarinta dhismaha wadooyinka, waxaanu yidhi “aad iyo aad baan ugu hambalyeynayaa maayarka  caasimadda, golaha deegaanka iyo shaqaalihiisaba, dhabar adeeg bay muujiyeen, hawl aan loo soo dhibaatoon dheefteedda lama helo, shacabka degan caasimadda laba qodob ayaan ugu baaqayaa, qodobka kowaad waa in cashuurta lagu leeyahay waa inay bixiyaan, wadaddu waa ta la doonayo in wax la idinkugu dhiso oo adeeg wanaagsan la idinkugu qabto, cashuurta idinku baaqata waa ta ugu muhiimsan ee dhisaysa dalkan, cashuurta dawladaha hoose inta soo gaadhaa waa inta xafiisyadda iyo shaqaaluhu ku shaqeeyaan, qaybta horumarka ku bixi lahayd waa inta dadka ku baaqata,, marka waa in cashuurta la bixiya si wadooyin oo kale la idinku dhiso. Qodobka labaad waa in laga qayb qaataa oo ganacsataddu ka qaybqaataan wadooyinka sidii loo dhisi lahaa ka guryihiisa hor marayso waa inuu mudnaanta kowaad siiyaa, marka la bilaabayo wadadda Madaarka illaa saldhiga dhexe waxay wadadaasi soo  hormaraysa boqolaal kun oo guri oo labadda dhinac ka soo kala jeeedda, wadadaasi gurigaasi qiimo u yeelayssaa, waxaan ku baaqaya inay qaadhaanka wadooyinka ku darsadaan”.

Si kastaba ha ahaatee, warshadan oo ah warshad aad u qiimo badan, islamarkaana wadooyinka caasimadda ka dhigaysa kuwo roog ah, ayaa la filayaa inay sanadaha soo socda Hargeysi wada waddo noqoto haddii dadweynuhu ka qaybqaataan  caawinta waaxdan wadooyinka ee wax soo saarka wadooyinka.