Wasiir Maxamed Kaahin Oo Soo Jeediyay In 14 Maalmood Loo Kordhiyo Guddiga Doorashada Ee Wakhtigan, Marka Ay Mudadu Ka Dhammaato

0
1228

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa shaaciyay inay xukuumad ahaan iyo ka xisbi ahaanba ay aaminsanyihiin in 14 maalmood loo kordhiyo guddiga doorashada ee xilligan si ay u qabtaan doorashada qorshaysan dabayaaqada sannadkan.

Wasiir Maxamed Kaahin ayaa xisbiga Waddani ku dhaliilay in aanay aqoonsanayan doorashadii madaxtooyada natiijadii ka soo baxday, waxaanu taageero xoog ah u muujiyay komishanka hadda, isaga oo dhanka kalena xusay in doorashada wakiilada iyo deegaanku haddii ay 2019 dib ugu dhacdo ay Somaliland ay dhanka sumcada waxyaalo u gaysan karo.

Wasiirka arimaha gudaha oo shir jaraaid ku qabtay xafiiskiisa ayaa sida oo kale sheegay inay golayaasha deegaanka ka soo saari doonaan go’aan rasmi ah, kadib markay u eegaan shuruucda dalka. Wasiirku waxa uu hadalkiisa ku bilaabay“ Komishankani waxa uu ku aasaasan yahay xeer ka soo shaqaynaayay Jamhuuriyadan ilaa sagaashamaadkii oo doorashooyinkii oo shan lagu soo qabtay komishankaas marka la magacaabo waa uu ka madaxbanaan yahay xukuumada waanu ka madaxbanaan yahay xisbiyada xilka waxyaabaha lagaga qaadi karaana waxay ku cad yihiin dastuurka, madaxweynaha JSL haddii ay golayaashu xilka qaadis ku samaynayaan 3/2 ayay kaga qaadaan, komishankana kaas madaxweynaha la mariyo ayaa la mariyaa waa 3/2, waxaanu ku nidhi ma hayno dunuub ay wada jir u galeen komishanka sidaas daraadeed anagu ma hayno qodob loo cuskato oo lagaga qaado xilka.”

Waxa uu wasiirku sii watay hadalkiisa “Komishankani doorashadan imika qaban maayaane ee waxa ay qabteen doorashadii madaxtooyada ee ugu danbaysay marna waxa dhacda in komishanku uu doorasho xor iyo xalaala ahayn uu qabto  oo lays boobay marna waxay qabtaan doorasho nidaamkeena waafaqsan haybadeeda iyo sharafteeda leh, waxa ay aduunku ka markhaati furay gaar ahaan dadka doorashada qaybta inagala ah,doorashadii ugu danbaysay waxa ay ahayd markii tiradii ugu badnayd ee goob joogayaal caalami ah ay inoo yimaadaan oo ka yimi waqooyiga Maraykan iyo Midawga Yurub, Eeshiya oo qayb ka mid ah ay ka timi qaaradan Afrika, waxay soo saareen goobjoogayaashaasi warbixin aad iyo aad u wanaagsan oo ay ku tilmaamayaan doorashadaas Somaliland inay doorashooyinka ugu wanaagsan ee Afrika ka dhaca oo gudigood laynaga horaysiiyo, iyo in ururada bulshadu ay ee Somaliland iyaguna waxay soo saareen warbixin aad iyo aad u wanaagsan labadaas warbixinoodna waa ay diideen xisbiga Waddani taas oo macnaheedu uu u dhigmaayo oo kaliyaata in aan xisbiga Waddani ogolaan natiijadii doorashadii madaxtooyada ka soo baxday.”

Wasiir Maxamed Kaahin waxa uu sheegay inay qabaan in komishankan loo kordhiyo mudo xileedkooda inta xeerka loo badalo“Anagu waxaanu  u taaganay inaanu sharciga raacno, waxaanu qabnaa in doorashadani ay wakhtigeedii dhacdo komishankanina arinka gacanta ku hayaana uu qabto, asxaabta qaranka ee la shaqeeyaan,waxii xisbiyada siyaasado ay doonayaan inay ka wada hadlaan sharciguna u fasaxaayo xisbiga Kulmiyena waa u diyaar xukuumaduna waa u diyaar. Marka la gaadho 29.nov laba dariiqo ayuunbaa furan oo ah in komishanka wakhtigiisii dhamaaday mid cusub la magacaabo waa dariiqo sharci oo aan cidna gaf ku ahayn. Marka 29.Nov la joogo 13.Dec waxa ay guurtidu ku astaysay maalintii doorashada la qabnaayay 14 maalmood ayaa furan, haddii komishankeenani ay sidii doorashdii barigii dhawayd ay rag rag ka tagay ay noqdaan oo mudadii labada bilood ahaydna ay 8 bilood ee kale ay dhex geliyaan oo isku cufaan oo diiwaangalintii codbixiyayaasha ay qabtaan, oo goobaha codbixinta,aasaaskii xarumaha komishanka ee gobalada,ciidankii ay tabobaraan, komishanka iyo xisbiyada kooxohoodii ay isku tabobaraan waxaas oo dhan ay dhameeyaan,oo si wanaagsan ay bileedhada raashinka inoogu guraan malqacadaana ay duldhigaan oo ay yidhaahdaan cuna, markaasna komishan cusub waa ay adagtahay in ay qabtaan doorasho 14 maalmood gudahood walina lamay qabsan,sharciyadii may wada eegin,tabobarkii may qaadan xaaladii lamay qabsan, lagama yaabo labada kun kudhawaadka goobood in aanay qaarkood garanayn,taasna anagu waxaanu qabnaa marba sidii laysla waafaqo ee danta loo arko  laakiin anagu waxaanu soo jeedinaynaa haddii doorashadii Komishanku uu intiisii kale soo dhameeyay 14 maalmood oo kale ay ka hadhay in iyaga wax ka badal xeer loo sameeyo loo kordhiyo inay 14 casho ee ka dhiman ay doorashada dhameeyaan, ay natiijadii sameeyaan lana yeedhiyo faylasha iyo xilkay hayeena ay ururiyaan komishanka cusubna lagu wareejiyo oo doorashooyinka kuwaas ka danbeeya ay sii qabtaan , fikrada ay xisbyadu soo gudbiyeena waxaanu ku nidhi markay doorashadu dhamaato aynu u fadhiisano sidii ayaynu doorashadeena ka yeelnaynaa ma sagaal ayaynu ka dhignaa oo laba ayaynu ku kordhinaa,laakiin arinta gidigeen ina hortaala nin ogol iyo mid aan ogolayn in doorashadu ay ina dhaafto 2019 haday ina dhaafi weydana waxbadan oo dalkeena dhib ku noqonaaya ayay inoo horseedayaan ”

Ugu danbayntiina waxa uu wasiirka arimaha guduhu ka hadlay golayaasha deegaanka dalka oo mudo xileedkii uu ka dhamaaday“ Golaha deegaanku waa gole xukuumada raaca oo ka tirsan wasaarada arimaha gudaha waxa dhab ah in golahaas wakhtigiisii dhamaaday, waxaanu u baahan yahay sifaha loo jihaynaayo ee wakhtigiisan dhamaaday dabadeed loo dhaqmaayo oo si  fudfudud in hadal laysaga yidhaahdo ma noqonaysee waa gole dhan oo dalka ka shaqeeye waxa ay u baahantahay in sharciyada ay ku dhisan yihiin iyo dastuurka qaranka labadaba iyada oo tixgalinaaya inay xukuumadu go’aan ka soo saarto sifaha mudo dhamaadkiisa uu golahani u dhaqmaayo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here