Nuxurka Doodii Murashixiinta Jamhuuriga & Obama Oo Beeniyay Inuu Soo Saaray Donald Trump

0
540

Murashaxa ka dhex tartamaya xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka, Donald Trump ayaa dood weyn ka dhex dhaliyey murashaxiinta xisbigaasi kadib markuu uu wareysi uu khamiistii bixiyey ku sheegay in Islaamka uu cadaawad weyn u hayo dadka iyo dalka Maraykanka.

Donald-Trump-President-Barack-Obama2-700x373

Trump oo habeen hore ka qeyb galay doodii loo qabtay murashaxiinta xisbiga Jamhuuriga ayaa su’aalo laga weydiiyey hadalada uu jeediyey ee ku waajahan Islaamka, isagoona ku adkeystay inuu aaminsan yahay in Muslimiinta intooda badan ay cadaawad iyo naceyb u hayaan wadanka iyo shacabka Maraykanka.

Balse murashaxiinta kale ee xisbiga Jamhuuriga ayaa fursadan ka faa’iideystay gaar ahaan murashaxa Senator Marco Rubio oo gobalka laga soo doorto ee Florida lagu qabtay doodii Jamhuuriga.

Senator Marco Rubio ayaa sheegay inay khalad tahay in Trump uu aflagaadeeyo Muslimiinta, isagoona sheegay in ay muslimiin badan kasoo jeedaan dalka Maraykanka, ayna in badan oo kamid ah ciidamada Maraykanka ay yihiin Muslimiin, isla markaana Maraykanka uu ku khasban yahay inuu la shaqeeyo oo uu xiriir wanaagsan la yeesho dunnida Islaamka.

Geesta kale; Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa ka jawaabey eedeyn qaar kamid ah Xibiga Jamhuurigu ay ku eedeeyeen in uu ka danbeeyosoo bixitaanka iyo hormarka musharaxa isla xisbigooda Donald Trump. “Jamhuuriyiintu wax badan ayey igu eedeeyeen, laakiin in aniga sabab la iiga dhigo soo bixitaanka qofka ay u dooranayaan isla xibigooda, waa Riwaayad!,” ayuu yidhi Obama, xili uu shir saxaafadeed la qabanayey Raysalwasaaraha dalka Kanada Justin Trudeau.

Obama ayaa ka jawaabayey su’aal uu mid ka mid ah weriyaashu weydiiyey, in isagu masuul ka yahay soo bixitaanka iyo kicitaanka Donald Trump. Obama ayaa ku eedeeyey in Donald Trump ay soo saartey syaasadda Jamhuuriyiinta, iyo Warbaahinta xagjirka ah.

Musharaxa xagjirka ah ee Donald Trump ayaa si weyn u hoggaaminaya doorashada hordhaca ah musharaxa Xisbiga Jamhuuriga u matalaya doorashada Madaxweynaha ee dhacaysa bisha Nofeember Salaasada u horeysa.

Musharixii hore ee Xisbiga Jamhuuriga ahaana barasaabka Gobolka Louisiana Bobby Jindal ayaa ka mid ah dadka Obama ku eedeeyey soo bixitaanka Trump, waxaana uu joornaalka Wall Street Journal ku qorey qormo uu cinwaan uga dhigay “President Obama Created Donald Trump”, waxaana uu qoraalkiisa ku faaleeyey in siyaasadda Obama dhashey Donald Trump.