Sarkaal Al-Shabaab Ah Oo Beeniyay Dil Ay Somaliya Sheegtay In CiiSarkaal Al-Shabaab Ah Oo Beeniyay Dil Ay Somaliya Sheegtay In Ciidanka Maraykanku U Gaystaydanka Maraykanku U Gaystay

0
581

Muqdisho(Geeska)-Mid ka mid ah Saraakiisha Sar-sare ee Al-shabaab ayaa beeniyay hadalkii Xukuuadda Somaliya ay ku sheegtay in lagu dilay duqeyn uu Mareykanku dhawaan u geystay saldhiga Raaso ee ay Al-shabaab ay ku leedahay badhtamaha Somaliya, duqeyn-taasoo uu Mareykanku sheegay inay ku dileen 150 ruux oo ka tirsan Al-shabaab.

Al-shabaab

Sheekh Maxamed Mire oo ah guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee Al-shabaab ayaa sheegay inaan lagu dilin duqeyntaas oo uu nool yahay, iyadoo uu Guddoomiyaha Degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan, ee dawladda Somaliya C/casiis Duuroow uu sheegay inuu ka mid ahaa Maxamed Mire saraakiishii lagu dilay duqeyntii saldhigga Raaso.  “Anigu weli waan noolahay… Waana mid been ah sheegashada Cadowga ah ee ah in la igu dilay Duqeyntii Saldhigga Raaso,” ayuu Maxamed Mire ku sheegay Hadal uu u jeedinayay shacab isugu soo baxay mid ka mid ah Deegaannada ay Maamusho Al-shabaab.

Xukuumadda Soomaaliya ayaan iyadu wax War ah kasoo saarin hadalka sarkaalkaan uu ku Sheegay in aan lagu Dilin Duqeyntii Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee Mareykanku ay dhawaan ka geysteen Bartamaha Soomaaliya.