Nuxurka Dhambaalka Dawladda Somaliya Ee Xukunkii Cali Samatar

0
555

 

Picture3Hargeysa(Geeska)-Dhambaalka ay dawladda Somaliya u dirtay dawladda Maraykanka ee ay kaga codsatay inay xasaanadda u soo celiyaan Maxamed Cali Samatar, ayaa u muuqata mid dawlada Somaliya ku taageersantahay xasuuqii lagula kacay reer Somaliland.

Dhambaalkaas, uu Raysalwasaaraha Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon u qoray wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka, oo uu Geeska Afrikanuqul ka  mid ah helay, ayaa wuxuu ku socodsiiyay xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Mr. John Kerry, waxaanu ka codsanayaa inay dawladiisu geed gaaban iyo mid dheerba u fuusho sidii xasaanadda loogu soo celin lahaa Maxamed Cali Samatar, oo ay maxkamad Maraykan ahi kal hore ku heshay dambi ah inuu masuul ka ahaa xasuuqyo iyo xad gudubyo ka dhacay Somaliland, wakhtiyadii uu ahaa wasiirka gaashaandhiga iyo madaxweyne xigeenka. “Annigoo ku hadlaya magaca jamhuuriyadda federaalka Soomaliya, Cabdi Faarax Shirdoon, raysal wasaaraha Soomaliya, waxaan si qadarin leh  oo degdeg ah idiinka codsanayaa, anigoo adeegsanaya awoodaha dastuurku I siiyey, inaad u heshid xasaanad Maxamed cali Samatar, raysal wasaarahii hore Soomaliya, 1987-1990, iyo madaxweyne –ku-xigen iyo wasiirka gaashaandhiga 1982-86, dacwadaha lagaga oogey maxkamadaha maraykanka.” Sidaas ayuu Mr. Cabdi Faarax Shirdoon ku yidhi dhambaalka uu u diray dawladda Maraykanka, waxaanu si cad u sheegay in dambiyaduu xasuuq ee uu Maxamed Cali Samatar gaystay aanay ka hor imanayn sharciyada dalka Somaliya, “Xukuumadu  waxay cadeynaysaa kuna celinaysaa in talaabooyinka uu qaaday samatar la xidhiidheen awoodihiisa sharci, deedefaynaysaana in talaabooyinka samatar sameeyey ka horimanayeen sharciga wadanka.”

Warqadda ay dawladda Somaliya dirtay oo ka kooban saddex bog, waxa uu ku soo gunaanaday “Waxaan codsigan degdeg ah rajeynayaa in indho togan ku qaabilaan wasaaradda arrimaha dibeddu.”

Waxaana halkaas ka cad in dawladda Somaliya ee uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo wada hadalka la furay ay taageersantahay xasuuqii loo gaystay shacabka Somaliland.