Xildhibaan Maxamed Xaaji Maxamuud Iyo Baashe Cabdi Yuusuf Oo Si Adag Uga Hadlay Farogelinta Dawladda Somaliya Ee Xukunkii Cali Samatar

2
602

 

Picture4Hargeysa( Geeska )-Baashe Cabdi Yuusuf oo ka mid ah muwaadiniinta reer Somaliland ee dacwada ku soo oogay Maxamed Cali Samatar, ayaa ka waramay dacwadaas iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay iyo sida ay wax wayn uga badashay sharciga dalka Mayarkanka. Waxaanay cambaareeyeen dhambaalka ay dawladda Somaliya ku dalbatay in xasaanadii loo soo celiyo.

Waxa uu  Baashe Cabdi Yuusuf sheegay in sagaalka garsoore ee ugu sareeya garsoorka dalka Maraykanku inay sharciga dalkaas ku soo kordhiyeen in aan wasaarada arimah dibada ee Maraykanku Xasaanad siin karin qof danbiyo xuuqada aadamaha ka soo hor jeeda ka soo gaystay dal kale. Sida oo kale waxa uu xukuumada Somaliland ku dhaliilay in ay ka leexatay tubtii dalkan uu ku aas’aasnaa,  oo aanay ka hadlin dacwada ay ku wadeen Cali Samatar bilaw ilaa dhammaad, waxaanu madaxweynaha su’aalay  waxa uu ku macnayan karo dhimashada,burburka iyo barakacii dhacay markii SNM ay hawlgalada waday gudoomiyahana uu u ahaa iyo dadkii wax gaadheen.

Waxa uu sidan ku sheegay Baashe Cabdi Yuusuf shir jaraa’id oo warbaahinta ay kula hadleen isaga iyo xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi iyo masuuliyiin kale oo ka mid ahaa ururkii UFFO. Waxa uu xildhibaan Xaashi dhankiisa eedaymo xoogan u soo jeediyay madaxweyne Siilaanyo iyo Raysal wasaaraha dawlada Somaliya.

Baashe Cabdi Yuusuf  waxa uu hadalkiisa ku bilaabay isaga oo ka hadlaaya dacwada ay ku oogeen Cali Samatar iyo sida ay wax uga badashay sharciga Maraykanka uu yidhi “ Runtii waa maalin aad iyo aad inoogu adag, xaaladu halka ay maraysana waxa weeyaan inta la yidhi Cali Samater ayaa la saamaxayaa in aan dawladu waxba ka odhan oo aad moodo in aynu  seexanay oo khuurinayno inaga oo isteerinka hayna,waxaan isku dayayaa inaan ka waramo sida uu kiisku u dhacay iyo waxan uu raysal wasaarahu leeyahay. Kiiskani mudo dheer oo ilaa dhawr iyo toban sano ah ayaanu soo wadnay aniga iyo Cabdicasiis Maxamed Iid, Sanakii 2004-tii ayaa markii ugu horaysay naloo ogalaaday  maxkamad inaan kiiskan aanu gayno, iyada oo ay nagu qaadatay ku dhawaad shan sanadood looyarkii aanu inagu qabsnay inaan kiiska ka dhaadhicino. Maxkamadii ugu horaysayna anagaa luminay maalin ay maalintaas igaga darnaydna may jirin, waayo waxaanu eegaynay haddii aanu Cali Samatarba ku ashkatayn kari waynay inuu xasuuq gaystay oo uu danbiile yahay Somaliland oo dhan ayaa dhacday, may hayn in la diidanaa inuu Cali Samatar xasuuq gaystay ee midan uu Raysal wasaaru imika wado ayaa na hor timid, waxaanu u haystaa in imika sidii dawladii Maxamed Siyaad Bare;  madaxweynaha Maraykanku waxba wada xukumo, maxkamada iyo dawlada Maraykanku waa laba arin oo kala jaada midna midka kale uma gudbo, xasaanad siyaasadeed ayuu waydiistay wasaarada khaarajiga ee dawlada Maraykanka taasuna waa tii markii ugu horaysayba aanu maxkamadaas ku luminay waayo waxa markaas soo qoray warqad Cabdilaahi Yuusuf oo markaas madaxweyne ahaa, sida markaas sharciga Maraykanku ahaa waxa xasaanada macnayn jiray wasaarada arimaha dibada, marka ay waraaqdaas heshay waxay u soo gudbiyeen maxkamadii xasaanada markaas tiibay aqbaleen, anaguna anbiil ayaanu ka qaadanay.” Baashe oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Haddana mar labaad waxa waraaq u soo qoray wasaarada arimaha dibada ee Maraykanka Sheekh Shariif oo isaguna markaas madaxweyne ka ahaa isaga oo isaguna dalbaday in la siiyo xasaanad  Cali Samatar nasiib wanaag wax markaas meesha joogay dawladii Rayaale, Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo markaas wasiirka arimaha dibada ahaa ayaa isaguna waraaq soo qoray oo uu ku sheegayo in aanu xasaanad ninkaasu lahayn dawlad Soomaaliyeedna aanay jirin, garsoorahii waxa uu markas go’aamiyay in aanay wax dawlad Somaliya la yidhaado oo Maraykanu uu ictiraafsan  yahay aanay jirin,Cali Samatar iyo qoladayadan ashkataysayna aanu nahay dad Maraykanka dagan oo wada jooga oo aanu wax xasaanad ah lahayn laguna xukumi karo Maraykanka dhexdiisa, waxaana tii anbiil ka qaatay Cali Samatar oo dacwadii waxay gaadhay halka ugu danbaysa ee ay maxkamadi gaadhi karto dalka Maraykanka. Sagaalkii garsoore ee maxkamadaha Maraykanka ugu sareeyay markay arintii rog rogeen waxay badaleen sharcigii Maraykanka oo dhan. Maanta waxay yidhaadeen dawlada uu Maraykanu aqoon san yahay oo ku meel gaadhkii ka baxday ayaanu nahay waxaanay doonayaan inay badalaan sharcigii  sagaalka garsoore ee Maraykanka ay xukumeen, su’aashuna waa ma celin karaan?, waan maya, waayo sagaalka garsoore ee Maraykan maxkamadahiisa ugu sareeya waxay badaleen sharcigii jiray, maxkamadan la qaaday waxay badashay mid aan waligiid la badali kayan oo ah, Shacirigaasu waxa uu dadafeeyay laba arimood marka ugu horaysa waxa uu joojiyay wasaaradii dibada ee Maraykanka ee iyadu xaqa u lahayd inay sheegto qofka xasaanad leh, waxay tidhi maxkamaduhuna waa ay yeelan karaan xasaanadaas, laba waxay meesha ku soo kordhisay in dadka waxii gaysta xad gudbuyo xuquuqul iinsaan ee dhibaato dal kale dad ugu gaysta in aanay marna yeelan karin xasaanad siyaasadeed.”  “ Marka uu sharcigaas qeexan soo baxay maanta inuu yidhaahdo raysal wasaaraha Somaliya waxaan u doonaynaa waa xasaanad, marka ugu horaysa waxaad si odhan kartaa waa garasho la’aan,laakiin anigu uma qabo, waxay tahay wax inaga laynaga arkay oo aynu isku gaysanay, waxaad moodaa inaynu ka noqonay waxii aynu doonaynay iyo himiladeenii oo dhan. Kow maalintii la xukumay maxay dawlada Somaliland ka tidhi, waxay dawlada Somaliland ka tidhi haba yaraatee ma jiraan, hadii siyaasadaada dibada aad si cad oo badheedha u sheegan waydo waa laguu shegayaa, aamusku waa hiil aniguna waxaan qabaa maalintii dawlada Somaliland aamustay inay naga hiilisay aniga iyo Cabdicasiis iyo Somaliland oo dhan, waxay ahayd inay kor u qaado oo ay tidhaahdo heeg hala geeyo Cali Samatar. Ma dawbaa in aan dawladii Somaliland waxba dacwadaas ka odhan intay socotay markay dhamaatay iyo ilaa imika, waxaan u arkaa inay tahay badheedh iyo siyaasad socota.Markuu Raysal wasaaraha Somaliya warqada diray  waxa u jawaabay wasiir ku xigeenka arimaha dibada, ma caqlibaa mar hadii raysal wasaare uu hadlay waxay ahayd inuu madaxweyne ku xigeenku ugu yaraan ka hadlaa ama madaxweynuu, waxaad arkaysaa xataa marka la hadlo in arintii hoos loo dhigay, waxa jira xabaal wadareedyo la soo fadhaayo anagaa keenay, dawlada Somaliland wali wax ay keentay ma jirto in kor loo qaado oo aduunka la tuso in meesha xansuuq ka dhacay weeye.”

Baashe Cabdi Yuusuf isaga oo madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa eedaymo u soo jeedinaya waxa uu yidhi “ Wadaxweyne waxaad  tahay dadkii inamada dagaalka soo galiyay adiga oo gudoomiyaha SNM ah ninkii amray,ninkii saxeexay ninkii ku faanayay inuu amarkaas bixiyay ayaad  ahayd, may ahayn inaad ka maqnaato xusaska maalinta shuhadada, yaynu uga baqanaynaa in aynu SNM ahayn, ma imika ayaynu taariikhdeenii dib u masaxnaa oo aynu nidhaahnaa waxba may jirin. Dhalinyaradan imika kacday maxay ku sifayn kartaa inay ku dhasheen Dulcad, Daroor iyo Baliyalay, maxaynu ku macnayn karnaa hooyadii labadii wiil ee ay lahayd ay ka dhinteen ee amarka dagaalkana aad adigu baxisay, maxaynu ku macnayn karnaa magaalooyinkii dhamaa ee aynu duminay, waxay ahayd inaad maalintaas hor kacdo oo aad salaanta qaadato. Wadar ahaan iyo shaqsi ahaanba waxaanu qabnaa inuu is badal kugu yimi oo aanu isbadalkaasu ahayn mid soke, maantana Xamar waaxay u dhiiranaysaa inaga ayaan dhiiranayn oo inaga ayay siyaasadeenii is badashay.”

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi oo warbaahinta isagun isla goobtaas kula hadlaayay waxa uu dhaliilo u soo jeediyay madaxweyne Siilaanyo iyo Raysal wasaaraha Somaliya  “Madaxweynuu qarankan isagaa ugu sareeya waana astaantii qaranka, waxaan ka rajaynayaa inuu ka hadlo meelaha ay tahay inuu ka hadlo, waxaan qabaa madaxweynuu maalinta shuhadada iyo maalinta dhalinyaradii UFFO  aad ayuu u iman jiray markuu mucaaradka ahaa hadaladiisii oo dhana waan hayaa maalmahaas sida uu u waynayn jiray iyo sida uu ugu duri jiray Udub aad ayaan u garanayaa, markaas madaxweynuu ma kursiga ayuun buu u socday oo iska seexo ayay ahayd, hadaladiisii miyaanay waxba ka jirin, maalintii inuu ka maqnaado oo uu tago meel aan waxba ahayn umaddu waxy ku leedahay xaq uma lihid, astaantii umadda ayaad tahay ee waa inaad qiimaysaa meesha aad tagayso oo ay qiimo yeelataa.”

Isagoo Maxamed Xaaji Maxamuud, la hadlaya Raysalwasaaraha Somaliya, wuxuu yidhi “Ninka raysal wasaaraha Somaliya sheeganayaa waa ninkii Bebera ka shaqayn jiray ee waxa uu gali jiray iyo waxa uu gudi jirayna waa la wada ogaa, xoolahan uu imika haysto halka uu ka keenay waa dhacii uu Berbera la wareegi jiray waxii ka soo degaba,haddii uu is leeyahay waa lagugu soo socdaana ogaw nin daalin ahoow lagu daynmaayo meel aad joogtaba, haddii aad is leedahay Cali Samatar ka sii dhigo albaab waxba kuu tari maysee nin xumaan falay iyo nin danbi galayba waa laguu soo socdaa meel uu joogaba,xili ay noqotaba, tii allena waa ay maqantahay oo xisaabna waa ay ina wada sugaysaa.Waxaan leeyahay cadaalad darada hada ka taagan dhankiina ku foofa, Cali Samatarna waxa weeye nin isagu xansuuq qirtay oo inuu umadan dhameeyay qirtay waxbana kama qaban kartaan.”

Comments are closed.