Golaha Ammaanka Oo Si Indho Isku Qabad Ah Xayiraadii Hubka Uga Qaaday Somaliya

1
556

 

Picture2Golaha amaanka ee qaramada Midoobay oo ayaa isku raacay in Soomaaliya laga qaaday cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya saarneyd tan iyo sanadkii 1992-kii, waana go’aan u muuqda lagu badhi taarayo dawladda Somaliya oo iyadu codsatay.

Qaraarka in laga qaado cunaqabateynta hubka Soomaaliya, 15-ka xubnood ee golaha amaanka ayaa shalay ka yeeshay shir albaabadu u xidhnaayeen,  iyadoo laga soo saaray go’aanka ah in Soomaaliya mudo sanad ah laga qaado cunaqabateynta hubka.

48 saac ka hor intii aanu soo bixin go’aankani, qaylo dhaan ba’an ayaa ka soo yeedhay hay’adaha xuquuqda aadamaha kuwaas oo dalbaday inaan la qaadin xiligan cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya saarneyd mudada ka badan 20-ka sano. Sidoo kale dawladda Somaliland ayaa si adag uga digtay in cunaqabayntaas la qaado. Sidoo kalena maamulka Puntland ayaa muujiyey inaanay raali ka aheyn in la qaado xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya, iyadoo dalbadey in go’aankaasi aan waxba laga badalin.

Si kastaba ha ahaate, qaraarkan ayaa u muuqda mid dhibaato ku soo kordhin doona gobalka, maadaama oo ay Somaliya hore uga buuxeen hub tiro badani, islamarkaana aanay dawladda Muqdisho awood u lahayn inay xakaymayso hubka.

Comments are closed.