Muwaadin Bilaabay Quudinta Dadka Maskaxda Ka Jiran Ee Ku Tabaalaysan Suuqyada Hargeysa

0
558

Hargeysa(Geeska)-gudoomiyaha hay’adda khayriga ah ee Sancaani Foundation Maxamed Xuseen(Jagac)  ayaa si rasmiya u bilaabay hawlihii uu qaban jiray bisha barakaysan ee Ramadaan.

Picture1Gudoomiye Maxamed Xuseen(Jagac)  ayaa markii ay bilaabantay bisha barakaysan ee Ramadaan waxa uu bilaabay quudintii uu u fidin jiray dadka maskaxda ka jiran eek u sugan suuqyada magaalada Hargeysa, kuwaas oo aan haysan meelo ay wax ka cunaan inta lagu guda jiro bisha ramadaan maadaama oo ay xidhan yihiin meheradihii cuntadu. Gudoomiye Maxamed Xuseen(Jagac) ayaa maalin kasta cunto bisil u qaybiya dadka uu haleelay xanuunku dhimirku ee sugan suuqyada magaalada Hargeysa, kuwaas oo u baahan in wax la taro loona gargaaro bishan khayrka badan ee Ramadaan. Gudoomiyaha hay’adda khayriga ah Sancaani Foundation ayaa ugu baaqay guud ahaanba dadka afsoomaliga ku hadla inay ka soo qayb qaataan quudinta dadka dhimirka wax ka qaba ee bisha barakaysan ee ramadaan aan haysan meelo ay wax ka cunaan, isla markaana wixii karaankooda ah ku soo hagaajiyaan

 Account No:-HRG 35959

ZAAD:- 063 4072234