Laba Xildhibaan Oo Ka Digay Halista Ka Dhalan Karta Mudaharaadka Booyadaha Iyo Farriinta Ay Madaxweynaha U Direen

0
1009

Picture7Hargeysa(Geeska)-Laba xildhibaan oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland, ayaa madaxweyne Axmed Siilaanyo deg deg uga codsaday inuu guddi u saaro cabashada booyadaha biyaha ee magaaladda Hargeysa. Xildhibaanada ayaa ah xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) iyo xildhibaan Siciid Maxamed Cismaan (Libaax). Booyadlayaasha ayaa dhigay dhamaan booyadihii biyaha u dhaamin jiray magaaladda Hargeysa iyaga oo go’aan ku gaadhay muddo shan maalmood ah inay shaqo joojin sameeyaan, iyaga oo ka cabanaaya xeerkii dhawaan la ansixiyay ee cashuurta ku kordhinaayay gaadiidka iyo xoolaha. Dadka ku nool Hargeysa ayaa intooda ugu badan waxa ay ku tiirsan yihiin biyaha booyadaha, waxaana si weyn loo dareemayaa cabashadan booyadaha biyaha, iyada oo dadka badankiisuna aanay maanta haysan biyo ku filan. Labadan xildhibaan ayaa u waramay wargeyska Geeska Afrika kadib kulan ay la yeesheen booyadaha biyaha ee shaqo joojinta sameeyay. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ugu horayntii arintaas ka hadlayaa waxa uu yidhi“Waxaad ogtihiin In Hargeysa inta ugu badan ay booyaduhu waraabiyaan,shalay ayay bilaabeen biyo joojin taangiyadiina maanta (Shalay) ayay wada madheen,taangigaygii waxbaa ku jiray saaka hadana waa uu engagan yahay, reerihii ii dhawaana waxay yidhaadeen bariiskii waxaanu ku karsanaa baanu waynay,guriga Xaaji Cabdi Waraabe ayaan soo maray oo waxa uu yidhi waxaan ku waysaysto meelahaas iga doona, Hargeysa intii ugu badnayd ayaa caawa aan hayn wax ay caruurtii shaaha ugu kariyaan,meel ay u yaacaana garan la’, Jimcana way noqotay oo haddii wakaalada loo yaaci lahaa iyaduna fasax ayay noqotay, meel loo qayliyo iyo meel loo cararo ayaa Hargeysa afarteedii daamood laga waayay. Dadka ini taangiyo ayay dhaansadaan,qaarna foosto iyo tanag oo maalintii koowaadba way biyo beeleen,xataa waxa biyihii ka dhamaadeen taangiyadii waaweynaa ee biyaha iibin jiray.Khaladka koowaadna waxa lahaa golaha wakiilada,booyadaha waan u tagnay cabashadoodiina waanu waydiinay waxaanay noqotay tixgalin la’aan aan la tix galin markii basaska la tixgalinaayay oo golaha wakiiladu markay codaynayeen waxay yidhaa basaska waxba yaan la qaadin, manay xasuusan booyadihii oo nolashii dadka iyagu ah oo biyahii shubaaya inta ugu badan, waxay booyaduu ka cabanayaan waa tixgalin la’aan.” Waxa uu xildhibaan Dheeg soo jeediyay “Madaxweynuu guddi haw diro booyadaha si ay ula soo shiraan oo ku qancisa in xeerkaas lagu celinaayo golahii wakiilada iyagana la tix galinaayo, dadku si uu deg deg biyo ugu helo oo uu u cabo,booyadaha badhna waxay joogaan Hargeysa barigeeda badhna galbeedkeeda.” Sida oo kale Xildhibaan Siciid Maxamed Cismaan (Libaax) ayaa isaguna si kooban sidan ugu waramay soo jeedina u diray madaxweyne Siilaanyo“Biyaha waynu garanaynaa muhiimada ay dadka u leeyahiin iyo nolasha halkay kaga jiraan, laakiin su’aal ayaynu is weydiin karnaa hada Hargeysi maalin kaliya ma biyo la’aan kartaa?, waxay booyadii ku balameen shan casho in aanay biyo shubin oo ay waliba isku dhaarsadeen oo ay go’aan ku gaadheen iyaguna nolashoodii halkaas ayay sii dhigteen. Waxaan leeyahay waa inuu madaxweynuu guddi arintaas u magacaabo si deg deg ah u xalisa, waayo baritoole arintu waa ay ka sii xumaanaysaa, oo hadda ayaaba la leeyahay dhawr kun oo qoys looma saarin dhari dab biyo la’aan awgeed.”