Dawladda Ingiriiska Oo Sheegtay Inay Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wasiirka Daakhiliga Ku Dhiirigelisay Inay Doorashada Golaha Deegaanku Noqoto Xor Iyo Xalaal

1
692

 

Picture9Hargeysa (Geeska)- Xukuumada Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday inay Madaxweynaha Somaliland iyo wasiirka Arrimaha Gudaha kula dardaarmeen in doorashooyinka deegaanku si xor iyo xalaal u dhacaan, oo aanay natiijadu noqonin mid lagu murmo.

Baarlamaanka Ingiriiska oo Salaasadii toddobaadkan su’aalo weydiiyey xukuumada ayey ku cadeeyeen in taageero dhinacyo badan leh Ingiriiska iyo lix dal oo qaadhaan-bixiyeyaal ah u fidyeenn doorashooyinka dhowaan dhici doona.

Xildhibaan, Andrew Rosindell oo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ayaa weydiiyey Wasiiru-dawlaha Ingiriiska u qaabilsan horumarinta Caalamka, talaabooyinka xafiiskeedu u qaaday dhiirigelinta maamul-wannaaga Somaliland.

Justine Greening, Wasiiru-dawlaha Ingiriiska ee Horumarinta Caalamiga ah  ayaa sheegtay in xafiiskeedu taageerayo, iyagoo iska kaashanaya lix dal oo qaadhaan-bixiyeyaasha ka mid ah, doorashooyinka Deegaanka ee dhamaadka bishan ka dhici doona. “Taageero ku saabsan kharashka hawlaha doorashooyinka, ololeyaasha wacyigelinta iyo tababarka dhalinyarada iyo dumarka musharixiinta ayaan bixinay, iyo dhisitaanka khibrada sidii guddiga Koomiishanku u gudan lahaa xilkooda.” Ayay tidhi wasiiradu waxaanay intaas raacisay “Taageero kale ayaan u fidinay kooxaha ururadda bulshada ee taageeray diyaarinta xeerka anshaxa, isla markaana tababaro siiyey xubno xisbiyada/ururada ka tirsan oo korjooge ka noqda doorashada.”

Wasiiradu iyadoo hadalkeeda sii wadata waxay intaas ku dartay “DFID waxay ku hawlanayd inay ku dhiiriyaan Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha inay sameeyaan talaabo kastoo xaqiijinaysa sidii doorashooyiku u noqon lahaayeen xor iyo xalaal, isla markaana aan natiijooyinkoodu shaqaaqo keenin.

Nidaamka dimoqraadiyeed ee Somaliland koboc  ayuu samaynayey, shan doorasho ayay soo galeen, tana waxaann rajeynaynaa inay jidkaa marto.”

Ugu dambayn waxay wasiiradu hadalkeeda ku soo gunaanaday oo ay tidhi “Xafiiskaygu waxuu sidoo kale diyaarinayaa mashruuc lagu dhisayo dhismaha Booliiska Somaliland, kuna jirto mid lagu dhisayo wacyigelinta bulshada sidii amaankooda isaga kaashan lahaayeen, iyo qorshahii lagu gaadhi lahaa, talaabooyinkaasi waxay dhisayaan xidhiidhka u dhexeeya shacabka iyo Booliiska, isla markaanna sare u qaadi doontaa tayada Booliiska iyo la xisaabtanka ciidamada Booliiska.”

Comments are closed.