Abuurta Alle u fiirsigeedu waa cibaarooyin cashar ka barasho mudan. Jidhka aadamuhu waxa uu leeyahay garaad abuur ah oo uu ku garan karo nooca xanuun ee soo galay, isla markaana qofka ugu diri karo digniino uu ku sheegayo khatartaas cusub.
Warbixin caafimaad oo uu faafiyey talefishanka Jarmalka laga leeyahay ee Deutsche Welle (DW) ayaa lagu sheegay in ay jiraan xanuunnada qaar leh ur gaar ah oo jidhka laga dareemo, sidaas awgeed ay muhiim tahay in qof kasta uu la socda nooca urta uu dhididkiisu yahay, maadaama oo ay tahay diginin waqti hore lagu sii ogaan karo cudurka, Sidaas awgeed qofka isku arkaa ay tahay in uu goor hore iska baadho xanuunnada urtaas looga shakisan yahay.
Waxaa ka mid ah:
- Macaanka:
Haddii aad isku aragto ur u eeg urta khudraddu marka ay bisaylkeedu dhammaado ee ay soo qudhmayso, waxa ay taasi calaamad u noqon kartaa in qofkaasi uu qabo xanuunka macaanka.
- Cagaha oo ura
Dadka badankoodu waxa ay ka siman yihiin in cagahoodu ay dhidid yeeshaan marka ay xidhaan kabaha buudhka ah, gaar ahaan buudhka caagga ka samaysan ama aad u wada daboolan iyo marka muddo lagu socdo ama lagu shaqeeyo. Laakiin haddii uu dhididkaasi noqdo ur si joogto ah uga xun sida dabiiciga ah waxa ay u dhowdahay in ay jiraan Fangi ku dhashay cagihiisa gaar ahaan faraha dhexdooda.
Dhididka caguhu waa uu xoojiyaa fangiga haddii uu cagaha ku dhasho, waxa aanu u suurtageliyaa in uu bato maadaama oo Fangigu uu sidiisaba jecel yahay meelaha qoyan.
- Urta saxarada oo ur aad u xun yeelata
Caanaha waxaa ku jira maaddo loo yaqaanno ‘Lactose’ oo ay dadka qaar xasaasiyad ku leeyihiin. Dadka maadaddan xasaasiyadda ku lihi marka ay caanaha cabbaan, midhicirada yari waxa ay maadadda ‘Lactose’ u dirtaa midhicirada weyn, kaddibna halkaas ayaa ay ku kaydsantaa oo ku khamiirtaa illaa ay ugu dambaynta samayso naqas xoog badan oo sababa dibbiro, ama shuban, matag iyo casiraad mararka qaarkood.
Xaaladdani waxa ay sababtaa in saxaradu ay yeelato ur aad u xun.
- Urta kalluunka xumaaday oo kale
Waxaa jira xaalad loo yaqaanno urta kalluunka (Fish Odor Syndrome) oo inta badan dad dhif ah lagu arko. Waxa ay calaamad u tahay xaalad caafimaad darro oo ah jidhka oo awoodi kari waaya in uu dheefsado (Ama burburiyo) isku dhiska saddexan ee ‘Trimethylamine’ ee magaciisa loo soo gaabiyo TMA oo ah naqas leh urta kalluunka oo kale.
Haddaba xaaladdan waxaa lagu arkaa marka uu khalkhal ku dhaco qaybo ka mid ah shaqada ay qabtaan xubnaha iyo qaybaha kala duwan ee jidhku. Gaar ahaan marka ay shaqada gaabiyaan beerka ama labada kelyood.
Waxa kale oo jiri kara sababo kale oo caafimaad darro oo beddeli kara urta dhididka qofka.
Urta aan fiicnayn ee Afka
Waxaa jira sababo tiro badan oo keena urta aan fiicnayn ee afka: waxaa ka mid ah xanuunka sanboorka (Sinusitis) oo ah caabuq iyo boog ku samaysma daloolada sanka dushiisa oo ay buuxsama kaddibna ur aan fiicnayn oo neefta soo raacda yeesha. Waxa kale oo keena boogaha cunaha iyo xoqadaha oo bukooda.
Khuurada badani waxa ay engajisaa xuubka sanqoorka iyo neefmariinka soke, taas oo keenta in ay bakteeriya ku dhalato kaddibna ay sababto ur aan fiicnayn oo neefta soo raacda.
Laakiin dhinaca kalana waxaa jira sababo kuwaas ka sahlan oo beddela urta afka, waxaa ka mid ah qofka oo aan ilkaha iyo carrabka si fiican uga nadiifin cuntada uu cuno, ilkaha dhexdiisa oo ay cuntadu gasho, suuska iwm.
Urtada kaadida oo xumaata
Waxaa jira dhowr sababood oo keena in urta kaadidu ay xumato, waxaa ka mid ah caabuqa iyo boogaha, ama kaadi mareenka oo qayb haani xidhantahay. Waxa kale oo urta kaadida beddela dhagaxa kelyaha ama kaadi haysta ku samaysma.
Ugu dambayntii dadka xaaladahan urta la xidhiidha isku arka waxa ay dhakhaatiirtu kula talinayaan in ay dhaqso ugu tagto dhakhtar baadha sababta runta ah, si haddii ay suurtagal tahay loo daweeyo waqtiga ku habboon.