Xukuumadda Oo Ka Hadashay Diyaaradaha Fly Dubia iyo Al-arabia Oo Dalka Ka Xayiran & Waxa Looga Baahan Yahay

0
665

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay Shirkadaha diyaaradaha ee Fly Dubia iyo Al-arabia, kuwaasi oo Dawladdu saartay Xayiraad ah in aanay Somaliland ka shaqayn karin.

Xukuumaddu waxay sheegtay in Fly Dubia iyo Al-arabia ay la mid yihiin diyaaradaha ka shaqeeya Somaliland, balse loo baahan yahay inay Dawladda la galaan heshiis la mid ah ka ay Dalka kaga shaqeeyaan Diyaaradaha Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo Shalay u warramay Telefiishanka SAHAN ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi  “Laba Shay waa la isku raacsan yahay, dabcan Aniguna aan ku jiro, ta koowaad waynu u baahan nahay (Diyaaradaha Fly Dubai iyo Al-arabia), labadaa diyaaradood baahi baynu u qabnaa, Waayo? Tartan bay dhaliyeen aad inooga yareeyay lacagtii inagaga bixi jirtay Socdaalka haddaad doonaysid inaan Waddanka dibeddiisa u baxdo, Carabta ama Yurub, badeecado badan bay inoo keeni jireen, madaarkeena lacag bay soo gelin jireen, markaa waa wax aynu  u baahan nahay.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Waxa kale oo la isku raacsan yahay inay sharci inoogu yimaaddaan, wax kale maaha ee Sharciga imikaba aynu ku wada shaqayno diyaaradda Itoobiya, ku wada shaqayno diyaaradda Jabuuti, sharciga aynu ku wada shaqayno Diyaaradda inooga timaadda Kenya, sharciyadaas aynu kuwaa kula shaqayno iyagana aynu la galno oo aynu ku wada shaqayno, waaba intaas.” Ayuu yidhi, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland, kaasi oo intaa ku daray isla-markaana ka hadlay lacagta ay DP World u bixiso kirada Dekedda iyo waxa lagu qabtay Lacagtii Shirkadda DP World laga qaaday labadii sanadood ee u dambeeyay “Dawladda Imaaraadku kab innama siiso, weligeedna inama siin, laakiin Shirkadda DP World heshiiskii aynu la galnay waxa ka mid ahaa inay kiro innaga siiyaan Dekedda, Kiradaasi waa 5 Milyan, 5-ta Milyan waa kiro Dekedda ah ee maaha Kaabis Miisaaniyadeed. Lacagtaa labadii sanadood ee u dambeeyay waxaynu ku soo iibsanaynay Doonyaha soo xidha Maraakiibta..”