Ninkii Qarxiyey Manchester Waxa Uu Xidhnaa Labbis Qaaliya Oo Ay Ka Mid Yihiin Kabo 400 Oo Doolar La Siiyo

0
611

London (Geeska)- Salmaan Al-Cubaydi oo ah ninkii isku qarxiyey xaflad heeso ah oo ceeryoon ahayd magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska ayaa la sheegay in marka la eego labbiskiisa ay ka muuqatay ladnaan aad u badani.

Labadii sawir ee ugu dambeeyey ee ay kamaradaha ilaaladu ka qaadeen ninkan daqiiqado yar ka hor intii aanu falkan ku kicin, ayaa laga arkay in uu ku labbisnaa kabaha shirkadda Nike soo saarto nooceeda aadka u qaaliga ah ee Nike Trainers loo yaqaanno oo qiimahoodu yahay 400 oo doolarka Maraykanka. Al-Cubaydi waxa kale oo uu ku labbisnaa jaakeed qiimihiisu u dhan yahay 100 doolar.

Sheekada kabahan qaaliga ah ee uu Geeska Afrika ka soo xigtay Al-Carabiya waxaa marka hore faafiyey wargeyska The Sun ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, oo sida oo kalana soo bandhigay sawirro muujinaya in uu Al-Cubaydi labbiskan xidhnaa.

Al-Cubaydi oo 22 sano jir ahaa ayaa sawirradiisa ay ka muuqataa xasilooni badan, iyo muuqaal xarrago oo aan u ekeyn ruux u socda fulinta fal ay ku dhinteen 22 qof iyo naftiisu 59 kalana ku dhaawacmeen. Arrintan ayaa warbaahinta iyo guud ahaan dadka reer galbeedka ka dhex abuurtay doodo la xidhiidha sababta wiil da’daas ah oo sida ka muuqata nolol fiican haystay ku kallifi karta in uu falkan oo kale ku kaco.