Ninkii Madow Ahaa Ee Ugu Horreeyey Duuliyenimo Milateri Waxa Uu Ahaa Turki Asalkiisu Afrikaan Yahay

0
658

Axmed Cali Tajliktan oo ahaa duuliyihii milateri ee ugu horreeyey ee madow ahaa oo noolaa 86 sano oo u dhexeeyey 1883 kii illaa 1969 kii, waxa uu ahaa Afrikaan-Turki ku dhashay magaalada Ismiir ee dalka turkiga, xilligii ay meelo badan oo adduunka ah ka talinaysay dawladdii cusmaaniyiintu.

Axmed oo ku dhashay magaalada Izmir ee dalka Turkey waxa uu rukhsaddii duuliyenimo ee u horreysay helay sannadkii 1914 kii, waxa aanu ka mid ahaa duuliyeyaashii tirada yaraa ee madowga ahaa ee ka qaybgalay dagaalkii koowaad ee adduunka.

Aabihii waxa uu ahaa Cali Bey oo isaguna sida oo kale ahaa Afrikaan Turkey, waxaana la aaminsanyahay in uu ku isir lahaa qawmiyadda dalka Nigeria iyada oo ay awoowyadii isir ku lahaayeen addoontii laga dhoofin jiray dalka Nigeria.

Cali hooyadiBadthamaha Afrika. Axmed Cali Tajliktaan isagana hooyadii waxa ay ahayd Sinjiya Amiin Haanim oo ka soo jeedda qawmiyadda Yoruba ee qaaradda Afrika, Aabihiina waxa uu ahaa Cali Bey oo isirkiisu isugu jiray Carab iyo Turkey isla markaana sida aynu soo xusnay Isir Afrikaan ah lahaa. Iyada oo ay taariikhaha qaarkood sheegaanba in isirkaas Afrikaanka ahi uu ahaa Soomaali.

Cali bilowgii hore waxa uu qorshaynayey in uu noqdo badmaax, sannadkii 1904 tii waxa uu ku biiray dugsiga ciidamada baddao oo uu darajada laba xidigle ku dhammaystay sannadkii 1908 dii.

Dagaalkii koowaad ee adduunka ayaa ay dawladdii Cusmaaniyiintu go’aansatay in ay samayso ciidamada cirka, iyada oo bilowday tababarkii ugu horreeyey ee duuliyeyaasha milateriga. Cali Waxa uu mar kale ka mid noqday saraakiishii loo xulay in lagu daro tababarka duuliyenimo, kaas oo uu dhammaystay sannadkii 1916 kii. Sannadkii 1917 kii oo uu socdo dagaalkii koowaad ee adduunkana waxaa uu tababarro dheeraad ah oo duuliye Milateri ah ku soo qaatay dalka Faransiiska.

Horraantii 1920-naadkii markii uu socday dagaalkii madaxbannaanida Turkey, waxaa loo diray saldhigyadii ciidamada cirku ku lahaayeen badweynta Midhatereniyaanka iyo badda madow, si uu dusha uga kor joogteeyo kana soo warbixiyo dhaqdhaqaaqyada maraakiibta dagaalka ee cadowga oo ahaa Ingiriiska, Talyaaniga,Giriigga iyo Faransiiska. Muddadaas wixii ka dambeeyeyna waxa uu ku guulaystay abaalmarinno halyeeynimo oo ay dawladdiisu u garatay, waxa aanu qabtay xilal kala duwan.

Cali qoyskiisa ayaa iyaguna isla jidkiisa maray oo ka mid ahaa duuliyeyaal Milateri oo Turki ah, waxaa ka mid ahaa xaaskiisa, walaashii iyo labadiisa wiil oo dhammaantii ka shaqeeyey ciidamada cirka, laba hablood oo uu dhalay iyo gabadh uu walaalkii dhalay ayaa iyaguna duuliyeyaal noqday.

Duuliyihii ugu horreeyey adduunka ee madow ah oo keliyi Turki kama uu dhalan ee sida oo kale gabadhii ugu horreysay ee Duuliye milatgeri noqota ayaa ahayd Turki lagu magacaabi jiray Sabiixa Kogjeen oo ah gabadha loogu magacdaray madaarka qaybta Aasiya ee magaalada Istanbuul.