Makka: Nin Shan Bilood U Lugaynayey Dhulka Barakaysan Iyo Sheekh Sucuudiya Oo Markii 61-aad Xajaya

0
736

Picture1Makka (Geeska) – Nin 37 sano jir ah oo u dhashay dalka Pakistan ayaa socod uu kasoo bilaabay Magaalada Karachi ee waddanka Pakistan ayaa 5 bilood ka dib gaadhay wadanka Sacuudiga 1-dii bishan si uu guto waajibaadka Xajka ee sanadkaan.

Ninkan oo magaciisa la yidhaahdo Kharlzada Kasrat Rai waxa uu socodkiisa bilaabay 7-da bishii June ee sanadka uu soo maray dhawr wadan oo Carbeed.

Wadamada uu maray waxaa ka mid ah Iran, Ciraaq iyo Jordan waxaana uu soo maray dhul masaafo ahaan dhan 6,387 km.

Mar uu ka sheekeeyay wadamadii uu soo maray waxa uu sheegay inay aad u farxad galisay inuu dalal Muslim ah soo dhexmaray oo loogu hambalyaynayey safarkiisa uu xajka ugu socday “Waxa uu ii ahaa safar amaan ah oo aan ku dhex qaatay dunnida Muslimka, waxaan aan jeclaan lahaa dunnida Muslimku u midawdu sida ay wadamada reer Yurub u midoobeen oo isku raaceen oo kale” ayuu yidhi Kharlzada Kasrat Rai.

Kastat Rai waxaa uu sidoo kale shaaciyay inuu cambaaraynayo dadka xumaynaya magaca Islaamka oo ku tilmaamay inay argagixiso yihiin sida uu yiri waxaana uu xusay in magaca Islamka ay wax badan ku qarabinayaan. Ninkan u dhashay dalka Pakistan waxaa la sheegay inuu khibrad u leeyahay safarada dhaadheer waxaana la sheegaa in sanadkii 2007,dii uu socday masafoo dhan 1,999 km oo gudaha Pakistan ah taasoo ku qaadatay 85 muddo cisho ah.

Sanadkii 2009-kii mar ayuu ku lugeeyay Magaalooyinka Karachi yo Lahore oo isku jira 327 km waxaana uu safarkaas uu ku qaatay muddo 14 cisho ah.

Dhanka kale, nin 80 sano jir ah oo u dhashay dalka Sacuudiga ayaa sanadkaan xajaya markiisii 61-aad.
Ninkan oo la yidhaahdo Sheekh Jabran Yahya Solaiman Al-Malki waxaa uu imaam ka yahay masjidka Xiraz oo ku yaala magaalada Al-Dacir ee Jazan dalka Sacuudiga waxaana uu xajiyay 60 jeer oo hore.

Sheekh Jabran waxa uu xusay inuu waayo badan u soo joogay Muslimiin fara badan oo Xajaya, waxaana uu dawlada Sacuudiga ku amaanay sida ay sanad walba dib u habeyn ugu sameyso dhulka barakaysan ee wajibaadka xajka lagu gutto.