Ninka Oo Been Sheegaa Waxa Ay Astaan U Tahay In Hormoonnadiisa Ragannimo Aanay Si Sax Ah U Shaqaynayn : Diyaariye Kamaal Axmed Cali

0
590

 

LierWashington (Googooska Geeska )- Cilmi baadhis cusub ayaa daahfurtay in hormoonka Testosterone oo ah hormoonka labnimada uu xoojiyo hab-dhaqanka bulsho ee nindka oo ay ugu horreyso in runtu ku badato. Hormoonka  Testosterone ayaa ay khubarada saynisku hore u ogaadeen in uu sababo dhaqanka cadaawadeed ee inta badan ragga ku badan, khubarada cilmi nafsiga oo arrintaa daliishanaya ayaana hore u sheegay in colaadaha iyo is-maandhaafka dunida ragaadiyey uu hormoonkani sabab u yahay, maadaama oo uu ragga ku beero dabeecad qallafsan iyo ruux cadaawadda keenta colaadahan.

Degelka Medical Daily oo ka faallooda arrimaha sayniska ayaa sheegaya in cilmi baadhayaal ka tirsan jaamacadda Bonn ee dalka Jarmalku ay ogaadeen in hormoonka Testosterone oo shaqooyinkiisa ay ka mid tahay in uu qaabeeyo arrimaha xidhiidhka la leh jinsiga ee ninka, oo ay ka mid tahay kor u qaadista xiisaha jinsi iyo dhisidda muruqyada labka. Sida ku cad cilmi baadhistan cusub, faa’idooyinkaa uu hore hormoonkani ninka ugu lahaa waxaa hadda ku sii biiraya mid kale oo ah in uu si weyn uga qayb qaato wanaajinta hab-dhaqanka bulsho ee ninka, taas oo ay ugu horreyso in uu xakameeyo ku dhaca uu ninku u leeyahay in uu been sheego.

Bernd Weber oo ah khabiir ka mid ahaa khubarada daraasaddan samaysay ayaa yidhi, “Hormoonka Testosterone waxaa hore loogu yaqaannay in uu dhiirri geliyo cadaawadda iyo dhaqannada qallafsan ee khatarta keena” Laakiin hadda cilmi baadhayaasha daraasaddan cusubi waxa ay sheegayaan in daraasaddoodan iyo kuwo kale oo badan oo dhowaanahan la sameeyey ay muujinayaan in hormoonkani uu ninka ku beeri karo dabecad liddi ku ah taas hore, waxaana ka mid ah in ay suurtogal tahay inuu wanaajiyo hab-dhaqanka ninka”