Dr. Gabose Oo Ka Hadlay Siyaasadda Uu Ururkiisu Qaadan Doono Haddii Uu U Gudbo Xisbi Qaran

0
527

 

gaboHargaysa( Geeska)- Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Umadda Dr.Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa markii ugu horaysay waxa uu si cad uga hadlay haddii ururkoodu  ku guulaysto inuu kamid noqdo saddexda xisbi ee ku soo baxa doorashada golayaasha deegaanka, siyaasada uu xisbigoodu xooga saari doono.

Dr.Gaboose waxa uu sheegay inay noqonayaan xisbi mucaarad ah oo muhiimada ugu weyn siiya siyaasada arimaha gudaha, isla markaasna wanaaga ku taageera xukuumadda jirta, waxii ay dhib u arkaana ku mucaarada.

Dr.Maxamed Cabdi  Gaboose waxa uu sidan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay shabakada wararka ee Oodweyne news. Waxana ugu horayntii isaga oo la waydiiyay su’aal nuxurkeedu ahaa hadii ay ku guulaystaan inay xisbi noqdaan waxyaabaha ay xooga saari doonaan waxa uu kaga jawaabay sidan “Marka hore alle hanoo rumeeyo da’daalkaas iyo rajadaas ah inaan saddexda xisbi ee soo baxa mid noqono, haddii alle noo rumeeyo oo aan noqono saddexdaas mid kood, siyaasada noogu wayn waa ta gudaha, Somaliland waxay halkaas ku soo gaadhay waa ismaqal,kala danbayn, is ogalaansho,wax wada yeelasho iyo wax dhis, markaas xukuumada jirta wax allaale waxii dalkan ku dhismaayo ee aan u aragno wax midho wanaagsan iyo niyad wanaagsan ah oo xukuumadu bilawdo ama ay ku jirto inaan ku gacan qabano,inaan taageerno, inaan u hiilino.” Gaboose isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ Ta labaad waxay tahay wax allaale iyo waxii aan dareeno in aan danta umaddu ku jirin, in qarankan ay waxyeelo u tahay, inaan u iftiimino xukuumadda oo mucaarad wax dhisa aan u noqono, oo kula talino kuna dhaliilno sidii waxaas ay uga joogsan lahayd. Markaas waxaan isku dhigaynaa gudaha xisbi mucaarad ah oo wax dhisa, waxaanu ka qaybgalidoonaa shirarka talada gobal-walba,dagmo-walba, tuulo-walba si uu xisbigayagu u noqdo mid dadka ku dhexnool oo  aan ku oodnayan.”