Ma Dhabaa Inuu Debac Ku Yimid Xidhiidhkii Somaliland Iyo Ingiriiska?

0
598

Picture6Hargeysa(Geeska)-Muddooyinkan u dambeeyay waxa soo baxaya warar tilmaamaya inay siyaasadaha Ingiriiska iyo Somaliland sii kala fogaanayaan.

Si rasmi ah looma garanayo sababta keentay amaba looga shakiyay, waxase jira dareeno soo baxaya oo macnayaal yeelan karaya. Tusaale ahaan dawladda Ingiriisku waxa ay tobankii sannadood ee u dambeeyay Somaliland ku martiqaadi jirtay munaasibadaha loogu dabaal dego dhalashada Boqorada Ingiriiska oo ku beegnayd 19 June oo ahayd khamiistii toddobaadkan. Inta badan masuuliyiinta Somaliland waxa ay xafladaha noocan ah kaga qayb geli jireen safaaradda Somaliland ee Addis Ababa, waxaana lagaga qayb geli jiray heer wasiir. Laakiin sannadkan ma jirto cid Somaliland ka socota oo la martiqaaday oo xafladahaas ka qayb gashay sannadkan. Taas bedelkeedna waxa magaalada Muqdisho ay safaaradda Ingiriisku ku qabatay munaasibad lagu casuumay Madaxweynaha Somaliya iyo wasiiradiisa.

Marka la eego xidhiidhka ka dhexeeya Boqorada iyo Somaliland iyo weliba Somaliland iyo Ingiriiska, lama filayn inaanay madaxda Somaliland ka qayb gelin xafladahaas oo ay weheliso xod-xodasho iyo galangal siyaasadeed.

Arrintan waxa ka sii horaysay dhawaaqii ka soo baxay dawlado uu Ingiriisku ka mid yahay ee ay dawladda Somaliland kaga dalbadeen inay ciidankeeda qaranka kala baxdo gobalada Sool iyo Sanaag ee Somaliland ka tirsan. Kaas oo ay xukuumadda Somaliland si adag uga jawaabtay.

Inkastoo ay magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa Ingiriisku ka dabciyay cunaqabayntii dhinaca safarka haddana waxa Somaliland labadii sannadood ee u dambeeyay uu Ingiriisku ku calaamadiyay wadan aanu amnigisiiu wanaagsanayn, waxaanay markasta ka digayeen weeraro argagixiso oo dhici doona, kuwaas oo aan xataa sansaantoodana la arag markii dambe.

Marka sidaas loo eegana waxa ay dad badani aaminsanyihiin inuu dabac ku yimid xidhiidhkii labada wadan. Waxase xukuumadda Somaliland looga baahanyahay haddii uu dabac jiro inay soo celiso xidhiidkii Somaliland iyo Ingiriiska ee xooganaa ka hor shirkii u dambeeyay ee uu Ingiriisku u qabtay Somaliya oo ay Somaliland diiday ka qayb galkiisa.